Ciidamada Ethiopia oo dib u qabsaday magaalo muhiim ah

Lalibela (Caasimada Online) – Ciidamada Ethiopia ayaa mar kale dib u qabsaday magaalo diimeedka muhiimka ah ee Lalibela, sida ay ku warantay warbaahinta dowladda oo soo bandhigtay sawirro muujinaya ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo booqanaya halkaas.

Ma cadda xilliga ay ciidamada dowladda dib u qabsadeen magaalada oo muhiim u ah malaayin qof aaminsan diinta Orthodox Kirishtanka, sidoo kalena marar badan isu bedeshay gacmaha dowladda iyo mucaaradka TPLF.

Ciidamada Tigray-ga ayaa magaaladan qabsaday bishii August hase yeeshee dowladda ayaa ka riixday bilowgii December ayada oo qaaday weerar dib u celiyey TPLF dhowr boqol oo km.

Axaddii 12-kii December, dadka deegaanka ayaa kusoo waramay in Tigray-ga ay dib ula wareegeen magaalada kadib markii ay ka baxeen militari dowladda iyo xulafadooda.

Lalibela oo 645 km u jirta caasimadda Addis Ababa ayaa xarun u ah 11 kaniisad oo qadiimi ah, waana goob ay u cibaado tagaan Kirishtanka Ethiopia.

Dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale Sabtidii sheegatay in ciidamadeeda ay dib ula wareegeen magaalooyin badan oo ka tirsan gobolka Axmaarada oo ay gacanta ku hayeen Tigray-ga.

Wasiirka Isgaarsiinta Legesse Tulu ayaa u sheegay warbaahinta sabtidii in magaalooyinka Woldiya iyo Kobo oo ah kuwa istaraatiijiyad leh dib loo qabsaday markii ugu horeysay tan iyo xagaagii.

Ciidamada Tigray-ga ayaan wax jawaab ah ka bixin sheegashadaas balse waxa ay horay u sheegeen in ay samaynayaan isbedelo xeeladaysan.

Warkan maanta kasoo baxay dowladda Ethiopia ayaa ka dhigan isbeddel kale oo lama filaan ah oo ku yimid dagaalka ka socda Ethiopia, oo toddobaadyadii tegay u muuqday mid ay dowladda guulo ka gaareyso kadib bilooyin aad loo jebiyey.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii