Guddiyada doorashada oo caro darteed ugu dhowaaqay in la hakiyey doorashada

Muqdisho (Caasimada Soomaaliya) – Guddiyada doorashoyinka heer maamul goboleed (SEIT) iyo heer Federaal (FEIT) ayaa dacwad u gudbiyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya.

Labada guddi ayaa sheegay in si aan wanaagsaneyn loola dhaqmay guddiga xalinta khilaafaadka doorashada, oo xubno ka mid ah uu eryey Rooble, islamarkaana loo geystay tacadiyo ka dhan ah amnigooda.

Halkaaan hoose ka akhriso dacwadda ay soo gudbiyeen labada Guddi

Ujeedo: Cabasho ku aadan habka loola dhaqmay guddiga doorashooyinka Xalinta Khilaafaadka

Guddiyada doorashoyinka heer Maamulgoboleed (SEIT) iyo heer Federaal (FEIT), waxay dacwad rasmiya ka qabaan qaabka loola dhaqmay guddiga xalinta khilaafaadka. Guddigaan ayaa la kulmay tacadiyo ka dhan ah amnigooda, Waxaa iyadoo ciidamo la adeegsanayo dibadda loo tuuray xubno guddiga xalinta khilaafaadka ka tirsan, halka kuwa kalena lagu armay in aysan bixi karin, xubnaha la saaray waxay la kulmeen khatar amni, iyagoona xuquuqdoodi guddinimo la burburiyey, tanoo xad gudub ku ah sharafta doorashada iyo dadka ka shaqeeya.

Mudane Raysalwasaare, Guddiyadu ma ahayn dad hubaysan, waxayna shaki ku abuurtay talabadaasi mustaqbalka guddiyada. Guddiyadu waxay leeyihiin xasaanad u baahan in la dhowro, dowladduna ilaaliso, waxayna u nugul yihiin in xubin kasta oo ka mid ah markii la doono loo adeegsan karo ciidan hubaysan, tanoo ka soo horjeeda madaxbanaanida guddiyada iyo heshiisyadii doorashada.

Haddaba madasha wadatashiga qaran waxaan ka codsanaynaa in ay qaadaan talaabo kasta oo lagu hubinayo bedqabka, ayna bixiyaan damanad qaad cad oo la xiriira amniga guddiyada, madax banaanidooda, habka lagu eryi karo xubin ka mid ah guddigana ay caddahay, si ay waajibaadkooda ugu gutaan kalsooni.

Guddiyadu waxay ogaysiinayaan gollaha wadatashiga qaran, musharaxiinta kuraasta iyo dadka Soomaaliyeed in ay laga bilaabo maanta hakiyeen doorashadii, tan iyo inta laga saxayo arrinta guddiga xalinta khilaafaadka dhismahiisa, guddigaan oo la’aantiisa aysan suuro gal ahayn in doorashadu socoto.

Dhinaca kale waxaa xubin kastoo ka mid ah guddiga doorashooyinka saaran masuuliyad, wixii xad gudub ah ee ka yimaadda guddiyada waa in la marsiiyaa xeerarka anshaxa ee degsan, wixii xeerarkaas laga waayana ay madasha wadatashiga qaranku go’aan ka gaadhaa.

Waxaa si wada jir ah u soo saaray cabashadaan:

  1. Maxamed Xasan Maxamed – Guddoomiyaha FEIT
  2. Yuusuf Cabdiqaadir Maxamed Baafo – Gudoomiyaha SEIT, Koonfur Galbeed
  3. Siyaad Maxamed Mursal – Gudoomiyaha SEIT, Jubba Land
  4. Axmed Xasan Diini – Gudoomiyaha SEIT, Hir Shabelle
  5. Maxamed Daahir Guuleed– Gudoomiyaha SEIT, Galmudug
  6. Cabdikariin Muuse Maxamed – Gudoomiyaha SEIT, Puntland
  7. Khadar Xariir Xuseen– Gudoomiyaha SEIT, Somaliland
  8. Sacdiyo Aweys Cali Boolay – Gudoomiyaha SEIT, Banadiri