Taliska Booliska oo war kasoo saaray DAGAAL ka dhacay garoonka Aadan Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa ka warbixiyey weerar ay dhalinyaro Soomaali ah shalay ka geysteen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, xilli laga soo celiyey waddanka Turkiga.

Cabdifitaax ayaa shaaca ka qaaday in marka ay soo caga-dhigtay diyaaradda sidday dhalinyarada oo laga soo tarxiilay dalka Turkiga ay weerar ku qaadeen shaqaalihii la socda  Turkish Airlines, isla-markaana uu falkaas uu ku dhaawacmay mid ka mid ah shaqaalaha.

Afhayeenka Booliska ayaa xusay in dhalinyaradan dib usoo celinta dhalinyaradaas ay la xiriirto, kadib markii uu ka dhacay sharcigii ay ku joogeen gudaha dalkaasi.

Shaqaaqadan ayaa dhacday 19-ka December 2021-ka, waxaana haatan socda baaritaano ay wadaan saraakiisha laamaha ammaanka, waxaana la xiray 5 eedeysane oo haatan lagu hayo xarunta hoggaanka baarista dambiyada, sida uu shaaciyey afhayeenka Booliska.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey in baaritaanada socda iyo wixii kasoo kodrha ay dib ula soo wadaagi doonaan guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.

“Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde 19ka December 2021 waxaa ka dhacay isku dhac dhexmaray Rakaabka diyaaradda Turkish Airlines oo is faham darro soo kala dhexgalay, Ciidamada Booliiska oo lagu wargeliyay ayaa gacanta ku dhigay eedeysanayaasha oo ku xiran Xarunta hoggaanka baarista Dambiyada, natiijada kasoo baxda dib ayaan kasoo gudbin doonnaa” ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed oo la hadlayey warbaahinta.

Xukuumadda Ankara ayaa muddooyinkii dambe billowday in dadka aan cusbooneysiisan sharciga iyo kuwa uu ku adkaaday in ay helaan ay dib ugu celiso gudaha Soomaaliya, maadaama sanadihii u dambeeyey ay kordheen Soomaalida ku qul-quleysa dalkaasi.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii