DENI oo weerar culus ku qaaday mucaaradka kana digay qorshe ay wadaan

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo khudbad ka jeediyey munaasabad lagu maamuusayey saddex sano guuradiii kasoo wareegatay doorashadii Lafta Gareen oo lagu qabtay magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay xaaladda dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Saciid Deni ayaa marka hore khudbaddiisa ku weeraray xubnaha Golaha Midowga Musharixiinta Mucaaradka, wuxuuna ku eedeeyey inay doonayaan in markale dib loogu laabto Carta arrintaas oo ku tilmaamay inay tahay mid khatar ah, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu ka digay abaabulka ay haatan wadaan mucaaradka ee ku aadan dhismaha ‘Golaha Sare ee dalka’, isaga oo sheegay inay ka leeyihiin dano gaar ah.

“Kuwa mar mar dhahaya nidaamkan ha la iska daayo oo Golayaal hala sameeyo waa dad raba in ay Teendhadii Carta dalkan ku celiyaan waana Khatar. Fikirkaas anigu wan ka digayaa,” ayuu yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay nidaamka federaalka ee sanadihii dambe ka hana qaaday dalka, isaga oo shaaciyey in loo baahan yahay in la xoojiyo, isla-markaana ciidamada daraawiishta iyo kuwa booliska la hoosgeeyo, milatarigana loogu tala-galay ilaalinta xadka.

“Safarkii hore ee aan imid Koofur Galbeed Ciidanka oo dhan waxa ay ahaayeen heer federal, si loo daadejiyo nidaamka federaalka, Booliiska & Daraawiishta waxaa la rabaa in ay hoostagaan Dowlad-Goboleedka halka Militariga oo loogu talagalay ilaalinta xuduudaha uu toos u hoostagayo dowladda dhexe,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey madaxweyne Saciid Deni.

Weerarka culus oo uu Deni sida tooska ah ugu qaaday saaxibadiisii mucaaradka oo ay muddo hal aag ku wada jireen marka loo eego siyaasadda iyo doodii laga soo maray doorashada ayaa kusoo aadaya, xilli haatan xaalad adag ay wajahayaan Musharixiinta.

Si kastaba, horay xubnaha mucaaradka ayaa ugu goodiyey inay qaadacayaan doorashada socota, haddii aan la joojin boobka lagu hayo kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, walow aan illaa iyo hadda dhag jalaq loo siin dalabkooda la xiriira doorashada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii