Lafta Gareen: “Doorashada dadbanayd ee la yaqiinay ma ahan, waa mid sii dadban”

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo ka hadlayey munaasabadda dabaal-degga ee saddex sano guuradii kasoo wareegtay doorashadiisii oo xalay lagu qabtay Baydhabo ayaa ka hadlay muranka hareeyey doorashooyinka haatan ka socda dalka.

Lafta Gareen ayaa shaaca ka qaaday in doorashada socoto ay tahay mid caqabada fara badan wadata, wuxuuna u sababeeyey nooca dadban ee la qaatay in la qabto.

“Doorashadani waa mid dadban, tii dadbanayd ee la yaqiinayna ma ahani, waa mid sii dadban,” ayuu yiri Cabdicasiis Lafta Gareen.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo hadalkiisa sii wata ayaa si weyn uga soo horjeestay eedeymaha loo jeediyey maamulkiisa ee ku aadan cabashada ka dhalatay doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya ee uu qabtay, wuxuuna ku adkeystay in doorashooyinkii ay qabteen ay waafajiyeen habraacyadii loogu tala-galay doorashada oo ay ku jirto caddaalad.

Sidoo kale wuxuu si adag u difaacay xubnaha soo baxay ee dhowaan lagu doortay gudaha magaalada Baydhabo, walow guddiga doorashooyinka hakin ku sameeyey kuraasta qaar.

“Idinka haddii aad dad kale u rabteen dadkaasi nooma aysan imaanin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay sii socon doonto doorashada, isla-markaana ay ka go’aan tahay ka maamul inay dadajitaan kuraasta ka harsan Golaha Shacabka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo xubnaha midowga musharixiinta mucaaradka dalka  ay horey u dhaliileen doorashooyinkii baarlamaanka ee lagu qabtay magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb ee dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii