Mucaaradka oo uu albaab kasta kasoo xirmay kadib khaladkii ay sameeyeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Isku daygii ay mucaaradka Soomaaliya ku doonayeen inay ku hakiyaan doorashada golaha shacabka ayaa si rasmi ah u fashilantay kadib markii laga soo xiray albaab kasta.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa horaantii bishan dalbaday in doorashada la hakiyo sababo la xiriira boob xooggan oo lagu sameeyey kuraastii la doortay badankood. 

Hase yeeshee, dalabkooda ayaa waxaa si wadajir ah u diiday ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada, ayada oo Rooble uu amray in lasii wado doorashada.

Kuraastii afarta aheyd ee reer waqooyiga ee shalay Muqdisho lagu doortay ayaa hadalkii Rooble u beddeshay ficil, waxayna si rasmi ah u xaqiijisay inuu fashilmay isku daygii mucaaradka.’

Maamulka Jubaland oo toddobaadkii tegay soo saaray liiska 14 kursi oo ay qabanayaan doorashadooda ayaa sidoo kale la filayaa inay ku dhaqaaqaan maalmaha soo socda.

Mucaaradka Soomaaliya ayaa waxaa isugu darsamay laba arrin oo qorshahooda fashilisay kuwaas oo kala ah:

1- Awood siyaasadeed la’aan: Mucaaradka Soomaaliya ma haystaan wax awood siyaasadeed ah oo ku gorgortamaan marka laga reebo hadal iyo qoraallo ay soo saaraan, taasina waxayna ka dhigtay in warkooda si fudud oo weliba jees jees ah dhegaha laga fureysto.

Waxaa markii hore garab siyaasadeed u ahaa oo mowqifyadooda ayidi jiray, awoodna u yeeli jiray madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, kuwaas oo hadda ka furtay, meel cidlo ahna ugu tegay.

2- Burcad is-baheysatay: Kasoo billow Farmaajo, Rooble beesha Caalamka, illaa madax goboleedyada, waxay u muuqdaan inay heshiis ku wada yihiin in doorashada aan la joojin sidii loo boobi karana loo boobo.

Farmaajo wuxuu doonayaa inuu boobo kuraasta taalla Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Muqdisho. Axmed Madoobe iyo Deni waxay doonayaan inay boobaan kuraasta ay maamulayaan. Rooble wuxuu u muuqdaa inuusan laheyn awood siyaasadeed ama uu ku xirtay Farmaajo. Beesha caalamkana waxaa ka go’an in doorashadan daba dheeraatay ay mar un ka dhammaato xalaal iyo xaaraan middii ay doonto ha noqotee.

Sidaas darteed, mucaaradka waxay kusoo dhaceen meel cidlo oo geeri go’an ah, ayaga oo aan haysan awood ay wax ku qasbi karaan iyo garab siyaasadeed ay kaashadaan.

Midowga Musharaxiinta waxay talo gacantooda ku jirtay markii ay ciidanka badbaado qaran Muqdisho ku jireen ee Farmaajo lagu qasbay inuu ka laabto muddo kororsiga. Waxay haysteen awood ciidan oo ay ku gorgortamaan qeybna uga noqdaan maamulka doorashada ama xitaa ku qasbaan inuu Farmaajo kursiga ka dego.

Si kastaba, waxay sameeyeen khalad weyn oo ku yimid talo-xumo, aragti fog la’aan iyo inay si indho la’aan ah u aamineyn Maxamed Xuseen Rooble, taasi joojisay halka ay maanta taagan yihiin, mana muuqato wax ay ka qaban karaan doorashada boobka ah ee socota.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii