R/W Rooble oo arrin aad uga fog xaqiiqda ka sheegay doorashada dalka ka socota

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoos u dhigay oo aan wax aan weyneyn kasoo qaaday muranka hareeyey doorashada golaha shacabka Soomaaliya oo boob xooggan lagu sameeyey kuraas badan.

Rooble oo hadal ka jeediyey ka qeyb-galay munaasabadda Sannad-guurada 3-aad ee kasoo wareegtay markii la doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa cabashooyinka laga keenay doorashada ugu yeeray kuwa kooban.

“Sida aad la socotaan waxa dalka ka socda doorashooyinkii, waxana afartii kursi ee ugu dambeysay ay maanta soo baxeen. Doorashadaas cabashooyin kooban ayaa laga keenay, waxana aad diyaar u ahay in aan xoogga saaro sidii loo raaci lahaa hab raacyada degsan ee doorashooyinka iyo inaan sidoo kale la fariisanno cid kasta oo tabasho qabta,” ayuu yiri Rooble.

Hadalka Rooble ayaa ah mid aad uga fog xaaladda doorashada Soomaaliya oo weli aysan jirin kuraas si xor ah loogu tartamay, ayada oo kursi kasta lagu doortay rabitaanka madax goboleedyada ama loo xiray shaqsiyaad gaar ah.

Hadalka Rooble ayaa sidoo kale muujinaya inay ka go’an tahay in doorashada lasii wado kadib markii shalay uu si rasmi ah u fashilmay isku daygii ay mucaaradka ku doonayeen in lagu hakiyo maadaama Muqdisho lagu doortay kuraastii ugu horreysay kadib dalabkooda la xiriiray joojinta doorashada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale amaanay habka uu Lafta-gareen u maareynayo doorashada, inkasta oo uu yahay madaxweyne goboleedka labaad ugu doorasho musuq-maasuqa badan kadib Axmed Qoor Qoor.

Rooble ayaa sidoo kale ku amaanay Lafta-gareen inuu yahay nabaddoon, sida uu hadalka u dhigay.

“Tan iyo markii la ii magacaabay in dalka ka noqdo Ra’iisul Wasaare, waxa aan si dhow u wada shaqeynay Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen, waxana aan ka bartay in aanu aheyn kaliya nin siyaasi, balse uu yahay nabadoon jecel in uu dadka isku soo dhaweeyo si dalka uu horey ugu socdo, waa ku aamanayaa, waanan ku dhiiri-galinayaa inuu sii wado dadaalkiisa,” ayuu yiri Rooble.