Wiil iyo Aabihiis oo sabab yaab leh loogu dilay Hiiraan

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta maleeshiyaad hubeysan ee dilal qorsheysan ka geysteen deegaano hoostaga degmada Matabaan oo ka tirsan gobolkaasi.

Dilalka ayaa mid ka mid ah wuxuu ka dhacay deegaanka Waradheer, waxaana loo geystay Wiil iyo Aabihiis, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah oo aan la xiriirnay.

Labada marxuum ayaa waxaa la sheegay inay dilkooda ka dambeeyeen maleeshiyaad beeleed, wuxuuna salka ku hayaa aano Qabiil darteed, sida aan xogta ku helnay.

Sidoo kale Wiilka iyo Aabaha la dilay ayaa ahaa reer guuraa muddooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaa agagaarka degmada Matabaan oo ah meesha haatan lagu dilay.

Dad badan ayey la yaab ku noqotay in Qabiil dartiis hal goob loogu dilo Wiil iyo Aabihiis oo shacab ah, isla-markaana aan waxba galabsanin, waxaana haatan billowday baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dilkooda.

Dhinaca kale tuulada Buuskut oo u dhow isla deegaanka Waradheer waxaa lagu dilay qof kale oo saddexaad, waxaana isna dilkiisa uu salka ku hayaa aano Qabiil oo ka taagan halkaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka iyo sidoo kale maamulka gobolka oo ku aadan dhacdooyinkaasi dilalka ah ee ka dhacay Hiiraan.

Dadka deegaanka ayaa dhankooda walaac ka muujinaya dilalka arxan darrada ee ku sii kordhaya deegaanka, waxaana arrintan ay uga sii dareysaa xiisada beelaha ee haatan taagan.

Si kastaba, Hiiraan ayaa waxaa ku soo noq-noqda dagaal beeleedyada ka dhasha dilalka aan kala joogisiga laheyn ee ay maleeshiyaadka hubeysan ka geysanayaan deegaanada kala duwan ee gobolkaasi.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii