Wararkii ugu dambeeyey khasaaraha dagaal xalay ka dhacay GAALKACYO

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal kooban oo xalay ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa wuxuu u dhexeeyey ciidamada ammaanka Puntland iyo rag hubeysan oo ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya, kuwaas oo ku sugnaa agagaarka xerada Kabiska ee degmadaasi.

Is-rasaaseynta dhex-martay labada dhinac ayaa la sheegay inay timid  kadib markii ciidamada ammaanka Puntland ay gudaha u galeen goobta ay joogeen ragga hubeysan, waxaa sidaas ku billowday iska hor imaadka.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhaawacmay ugu yaraan shan qof oo ka kala tirsan dhinacyada is-rasaaseeyey, waxaana ay kala yihiin saddex askari iyo laba ka mid ah ragga ka ganacsanayey maandooriyaha.

Qoraal ka soo baxay taliska Booliska qeybta gobolka Mudug ee Puntland ayaa looga hadlay howl-galkaasi, waxaana warkan lagu sheegay in ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen 9 ka mid ah ragga hubeysan ee la diriray ciidamada.

Booliska ayaa sidoo kale intaasi ku daray in cid kasta oo ka ganacsata maandooriyaha ay ula mid tahay kooxaha cadowga ku ah Puntland.

“Shaki la’aan koox kasta oo ku lug leh si dhuumasho inay uga ganacsato maandooriyaha halista waxay xiriir dhaw la wadaagta cadowga duulaanka ku ah Nabada,Xasiloonida,Horumarka iyo Sareynta sharciga, balse ciidamada Amaanku waxay habeen iyo maalin u taagan yihiin ciribtirka iyo beegsiga shaqsiyaadka lagu helo falalka noocaas ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa xoojiyey howlgallada lagula dagaalamayo kooxaha burcadda ah iyo kuwa ka ganacsada maandooriyaha ee ku sugan maamulkaasi.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii