Farmaajo oo ku dhowaaqay tallaabo ay qaadeyso DF oo la xiriirta Soomaalida Libya

Istanbul (Caasimada Online) – Sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya, dowladda federaalka ayaa guddi u direysa dalka Libya, guddigaas ayaa la sheegay inay warbixin ka keeni doonaan xaaladda nololeed ee Soomaalida ku sugan dalkaas.

Go’aankaan ayaa yimid kadib markii Madaxweynae Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo weli ku sugan dalka Turkiga oo uu uga qeyb galay shirweynaha saddexaad ee iskaashiga Turkiga iyo dalalka Afrika uu kulan-doceed la qaatay hoggaamiyaha dalka Libya Maxamed Yuunis Al-menfi.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan u diraysa guddi gaar ah xaaladda muwaadiniinta ku xiran Dalka Liibiya. Guddiga ayaa u kuurgali doona, kana soo war-bixin doona xaaladda nololeed oo ay ku sugan yihiiin Muwaadiniinteennu,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay madaxtiooyada Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Dalka Liibiya ayaa ka wada hadlay iskaashiga iyo xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Liibiya.

Sida lagu shaciyey qoraal kulankaas ay ka soo saartay madaxtooyada Soomaaliya labada madaxweyne waxay diiradda saareen sidii labada dal ay uga wada shaqayn lahaayeen iskaashiga dhinacyada isu socodka, amniga iyo siyaasadda.

“Madaxweynaha ayaa kala hadlay Madaxweynaha Liibiya sidii uu gacan uga gaysan lahaa xorriyad siinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Liibiya, iyaga oo Labada dhan ay isla garteen sidii looga wada shaqayn lahaa badqabka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha Dalka Liibiya,” ayaa lagu yiri qoraalka ay kulankaas ka soo saartay Villa Somalia.