Ciidamada ETHIOPIA oo ku wajahan KISMAAYO!

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in maalmaha soo socda dhamaan Magaalada Kismaayo iyo deegaanada hoostaga laga howlgalin doono Ciidamo ka socda Dowlada Ethiopia oo qeyb ka ah kuwa AMISOM.

Dowlada Ethiopia ayaa Maamulka Jubbaland u diyaarisay Ciidamo kabadan 1,500 oo laga howlgalin doono Goobaha ugu muhiimsan, halka qaarna la sheegay inay fariisimo ka dhigan doonaan Madaxtooyada Maamulka.

Qorshaha lagu soo daabulaayo Ciidamada ayaa kasoo dhamaaday Dowlada Ethiopia waxaana la soo warinayaa in keenistooda ay ku xiran tahay kaliya booqashada la filaayo in Addis ababa uu ku gaaro Hogaamiyaha Maamulka Axmed Madoobe oo gudaha asbuucaani gaari doona Dalka Ethiopia.

Tagista Axmed Madoobe ee Magaalada Addis ababa ayaa ah mid uu ku soo kormeeraayo Ciidamadaasi, waxaana sidoo kale la filayaa inuu booqon doono Xirooyinka ay Ciidamadaasi ku diyaarsan yihiin oo ku taalla duleedka Magaalada Addis ababa.

Geesta kale, Wasaarada Gaashandhiga ayaa ilaa iyo iminka la ogeysiin keenista Ciidamadaasi, markii laga reebo heshiiskii ay Dowlada Somalia sanadii tagtay la gashay Midowga Africa kaasi oo lagu ansixiyay in Ciidamo ka socda Ethiopia la geyndoono Kismaayo si kuwa Kenyaanka ah halkaasi looga saaro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com