Ciidanka DF oo la wareegay deegaano hoos taga Jowhar + Xaalka Jowhar.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay la wareegeen deegaan Istaraatiiji u ah Howlgalka ay kula wareegayaan magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha dhexe.

Wararka Gobolka Shabeelaha dhexe laga helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Huwanta ay la wareegeen iyadoo dagaal uusan dhicin deegaan lagu magacaabo Xawaadley oo Balcad iyo Jowhar u kala dhow.

Deegaanka ay la wareegeen Ciidamada huwanta ayaa waxaa uu ka dhigayaa in Jowhar ay ka weeraraan labo dhinac oo kala ah dhanka Wabiga oo Xawaadley laga galo iyo wadada sida tooska kaaga ridaysa isla Jowhar.

Qabsashada deegaanka Xawaadley waxaa noo xaqiijiyay dad kusugan deegaankaas oo sheegay inay arkeen Ciidamada oo horay ugu sii dhaafay Jowhar.

Saraakiisha Dowlada ayaa sheegay in qabsashada Xawaadley ay qayb ka tahay howlgalka ay ku wajahayaan Jowhar.