Maxaa maanta la isla dhex marayaa suuqa kala iibsiga?

Iyadoo uusan weli furmin suuqa kala iibsiga ciyaartoydu waxaa jira warar aan dhamaan maalin walba, kuwaas oo ah in koox walba ciyaaryahan lagu xanto inay soo iibsaneyso marka uu suuqu furmo.

Si kastaba, maalin kasta 1:30 PM Caasimada Online waxay idiin balan qaadeysa inay idiin soo gudbiso wararka xanta ah oo ay suuqa ka qoraan saxaafada England.

Marka la gaaro 1da bisha Janaayo hadii Allah idmo waxaa inoo bilaan doona wararkii ay wargeysyada Yurub ka qoreen Suuqa kala iibsig, laakiin inta ka horeysa waxaan idinka haqab tireynaa wararka xanta ah.

Aan ku bilowno.

Arsenal ayaa isku diyaarineysa inay weeraryahankoodii hore ee Thierry Henry, oo 35 jir ah, kusoo qaataan waqti yar oo amaah ah balse waxay ku dhowdahay inay arinkaas ka biyo diido kooxdiisa New York Red Bulls (Daily Star).

Gunners ayaa sidoo kale xiiseyneysa inay lasoo saxiixato daafaca dambeedka bidix ee kooxda PSV Eindhoven Jetro Willems. Isagoo 18 jir ku ciyaaray koobkii qaramada Yurub ee 2012 wuxuu noqonayaa ciyaaryahanki abid ugu da’da yaraa ee ciyaara koobkas (Daily Express).

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee dalka Belgium Marouane Fellaini, ayaa sheegay inuu sii joogayo kooxdiisa Everton hadii ay usoo baxaan Champions League (Daily Mirror).

Atletico Madrid ayaan dirin weli wax dalab ah oo ay kusoo dhaqaajineyso weeraryahanka 25 jirka ah ee Napoli Edinson Cavani, sida laga soo xigtay wakiilka ciyaaryahanka. Ninka reer Uruguay ayaa noqon kara bedelka ninka diirada u saaran Chelsea iyo Manchester City Radamel Falcao, oo 26 jir ah (skysports.com).

Manchester United ayaa diyaar u ah inay lasoo wareegto ciyaaryahanka 22 jirka ah Kevin Strootman – PSV ayaana horaan qorsheysay inuu ka tegaayo ninka lagu qiimeeyo 14 milyan oo ginni waxaa sidaas qoray wargeyska dalka Holland kasoo baxa ee (Soccernews.nl).

Manchester City ayaa isku diyarineysa inay 7 milyan oo ginni ku qarash gareyso 16 jirka qadka dhexe ee weerarka ka ciyaara Alen Halilovic, waana ciyaaryahanka ugu wanaagsan Asaagiisa, wuxuuna u ciyaaraa kooxda Croatian ka dhisan ee Dinamo Zagreb (Daily Mirror).

Liverpool iyo Arsenal ayaa dagaal ku dhex mari doonaa helitaanka 22 jirka weerarka uga ciyaara qaranka South Korean Heung-Min Son, kaasoo sheegay inuu ka tegaayo kooxdiisa Hamburg waxaa sidaas qoray wargeyska Jarmlka kasoo baxa ee (Sport1).

Goolhayaha kooxda Stoke City Asmir Begovic ayaa diirada u saaran tababaraha kooxda Liverpool Brendan Rodgers (The Sun).

Maareeyaha guud ee kooxda Schalke Horst Heldt ayaa gaashaanka ku dhuftay wararka weeraryahankooda Klaas-Jan Huntelaar la xiriirinaya inuu u dhaqaaqayo kooxda Arsenal (Goal.com).

Ma jeceshahay inaad maalin walba ogaato wararka xanta ah ee la isla dhex maraayo suuqa kala iibsiga, iyo hadal heynta saxaafada England ? hadii jawaabtaadu haa tahay maalin walba kala soco www.caasimada.net

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.