Mourinho: Kaalinta labaad ayaa ii sheegta inaan qaadayo UCL.

Jose Mourinho ayaa diiday in si aad ah looga hadlo inay Real Madrid kaalinta labaad uga soo baxdo wareega Group-ka ee Champions League, wuxuuna sheegay inuu rajo ka qabo inuu koobkaan ku guuleysto maadamaa uu laba jeer horay ugu soo guuleystay isago kusoo baxay kaalinta labaad waqtiyadiisii Porto iyo Inter Milan.

Madrid ayaa u diiday Manchester City fursad ay ugu soo baxdo 16ka ka dib markii ay Arbacadii barbaro la galeen, Borussia Dortmund ayaana kusoo baxday kaalinta koowaad ee Group-ka ka dib markii ay 4-1 ku cabtay Ajax.

“Laba mar oo aan ku dhameystay kaalinta labaad ee heer Group-ka, labadiiba waan ku guuleystay Champions League,” ayuu Jose u sheegay Sky Sports.

“Kaalinta labaad ayaan ku dhameystay inagoo ka dambeyna Real Madrid watigii aan hayey Porto, xiligii aan Inter la joogayna kaalinta labaad ayaan ku dhameystay anigoo ka dambeeya Barcelona labadaas marba waan ku guulestay.

“Xiliyada kale ee aan ku dhameysto kaalinta koowaad, weligeey kuma guuleysan Tartanka. Khibradeyda aan u leeyahay waxay I tusineysaa inaysan micno badan laheyn.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.