Ciidamada Ilaalada Villa Somalia oo gurigiisa kala baxay Yuusuf Xasan Mursal

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan ilaalada madaxtooyada Soomaaliya ayaa galabta Yuusuf Xasan Mursal kala baxay gurigiisa oo ku yaalla degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Yuusuf ayaa ahaa guddoomiyaha Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda, waxaana xisbigaas aas aasay oo hoggaamiye ka ahaa Mukhtaar Roobow Cali Abuu-Mansuur oo mudo sanad ah Muqdisho ugu xiran dowladda federaalka.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Yuusuf Xasan Mursal loo xiray hadal uu maalmo ka hor ka jeediyay magaalada Muqdisho, kaas oo lagu dalbanayay sii deynta Sheekh Mukhtaar Roobow.

Maxamed Ibraahim Bilaal oo ah xog-hayaha arrimaha gudaha iyo xiriirka gobolada ee Xisbiga Amniga iyo Cadaalada ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada koofiya casta ee ilaalada Madaxtooyada ay maanta u soo daateen guriga guddoomiyaha halkaasna ay ka wateen “iyaga oo aan u soo marin sifo sharci ah.”

“Ciidamada Koofiya Casta loo yaqaano ayaa maanta noo yimid oo si xoog ah ku ka xeystay guddoomiyaha xisbiga amniga iyo cadaaladda Yuusuf Xasan, qaab sharci darro ah ayeyna ku xireen kuna wateen waana afduub cad wax sharci ah iyo wax warqad maxkamadeed ah midna kuma socon ciidamadu, mana ahan dhaqankaas mid u adeegaya in Soomaali dib u heshiiso, ilaa hada garan meyno halka ay geeyeen waana canbaareynaynaa falkaas” ayuu yiri Xog-hayaha xisbigii uu hoggaamiyaha ka ahaa Mukhtaar Roobow.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Villa Somalia oo ku aaddan xariga Yuusuf Xasan.