Jeneral Odawaa oo shaaciyey cidda bixisay amarka lagu soo rogay xeendaabka Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo ka mid ahaa saraakiil maanta hor tagtay xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay inuu bixiyey amarka xildhibaanada iyo xubno ka tirsan wasiirada maalmahaan looga reebay ilaaladooda markii ay soo galayaan xeyndaabka laga ilaaliyo Villa Somalia.

Odawaa ayaa sheegay in amarkaas ay keentay xaaladii dhacday habeenkii Arbacada, taas oo aheyd weerar ka dhacay Hotelka SYL oo ku yaalla gudaha xeyndaabka laga ilaaliyo madaxtooyada, isagoo xildhibaanada u sheegay in go’aankaas uu ahaa mid lagu xaqiijinaayo amaanka madaxtooyada.

“Xildhibaanada sharafta leh waxaan habeen iyo maalin u taaganahay waa adinka amaankiina khalad waa dhici karaa markii shaqo lagu jiro, waxaad la socotaan koonaha SYL waa dhacdadiid shanaad oo ka dhaceysa, waxaad la socotaan dhamaantood waxay u dhaceen sidii dhacdadii habeen dhaweed, dad isusoo akeysiiyey ciidamada amniga oo lugeynaaya ayaa hoteeladii gudaha u galay, sidaas darteed waa la kala garan waayey, sababta ay ragaas meesha ku yimideena waxay aheyd ciidamadii istaafyada u ahaa masuuliyiinta markii ay soo gaaran iridka dhamaantood halkaas ayaa lagu dajiyaa istaafyada isma garanayaan qofka soo dhax galana lama garan karo” ayuu Baarlamaanka ka hor yiri Jeneraal Odawaa.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay inay bixiyeen amar ah in qofka masuulka ah ee ku gudbaya wadada hor marta madaxtooyada aan laga reebi karin istaafkiisa, balse dadka laga reebaayo istaafka ay yihiin oo kaliya mas’uuliyiinta galaya madaxdtooyada.

“Qofka istaafka laga reebaayo waa qofka markii uu ka soo gudbo xeendaabka hore kadib gudaha is kaga reebaaya ilaaladiisa ee markaas u gudbaaya madaxtooyada iyo xaafiisyada kale ee gudaha ku yaalla” ayuu yiri Taliye Odawaa.

Ugu danbeyntii taliyaha ayaa sheegay in dib u eegis ay ku samey doonaan sida amarkaas uu u saameynayo mas’uuliyiinta degan gudaha xeendaabka laga ilaaliyo madaxtooyada oo loo fasixi doono inay la soo galaan ilaaladooda, maadaama ay ku yaalaan guryahooda.

Halkaan ka Daawo