Somaliland oo war yaab leh ka soo saartay jabhadda looga dhawaaqay SSC

Hargeysa (Caasimada Online) –  Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxdweyne Muuse Biixi ayaa war ka soo saartay Jabhad cusub oo ka dhan ah maamulkooda, midaasi oo lagaga dhawaaqay magaalada Buuhoodle ee Somaliland ay haysato.

Jabhadaasi oo la magac baxday SSC, isla markaana loo soo gaabiyey Sool, Sanaag iyo Cayn, ayaa waxay sheegtay inay Somaliland ka xoreyn doonto gobolada Sool iyo Sanaag oo ay ku sugan yihiin ciidamada Somaliland.

Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi, Wasiirka Howlaha guud iyo guriyeynta ee Somaliland ayaa isagoo ka hadlaya Jabhadaasi, wuxuu ku tilmaamay kuwo ka qeyb ah mashruuc cusub oo lacag lagu raadiyo.

Wasiir Qambi ayaa Jabhadaasi ku sheegay mid laga soo abaabulay oo laga soo taakuleeyo dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, isla markaana looga dan leeyahay kala qeybinta bulshada.

Qambi ayaa waxa kale oo uu waxgaradka iyo aqoonyahanka Buuhoodle u soo jeediyay inay dhinac uga soo wada jeestaan oo ay iska qabtaan Jabhadan cusub oo ku tilmaamay kuwo ku adeeganaya magacooda.

Somaliland ayaa waxa muddooyinkii dambe ku soo badanayey Jabhado doonaya inay iska dulqaadaan xumada Xukuumada Muuse Biixi, halka Xukuumadiisuna u arkeyso mashaariic ka dhan ah oo lacag lagu raadsanayo.