Xukuumadda Biixi oo si dadban uga hor-timid qodobadii uu soo saaray gudiga dhex-dhexaadinta

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa goordhoweyd war ka soo saartay go’aamadii shalay ay soo saareen Guddigii dhex-dhexaadineysay xisbiyada mucaaridka iyo Xukuumada Muuse Biixi.

Xukuumada Biixi ayaa sheegtay inay soo dhoweynayso qodobada ay soo saareen Guddigaasi dhex-dhexaadintu, iyadoo ka maquuratay aqbalka qodobka uu ka taagan yahay muranka baahsan ee Komishanka doorashooyinka.

Wasiir warfaafinta Somaliland oo goordhoweyd warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa waxa kale oo uu sheegay in marnaba ay xukuumadooda ku xidhneyn in la kala diro Komishanka cusub ee doorashooyinka Somaliland oo dhowaan loo dhaariyey xilkaasi.

Wasiirka ayaa sheegay in arrinkaasi loo mari doono waxa uu ka qabo sharciga Somaliland, balse aysan aheyn mid fikir lagu cabiro karo oo go’aan laga qaadanayo, hase ahaate loo daba fadhiisanayo waxa uu ka qabo sharcigo, ayna tahay mid sharci.

Xisbiyada mucaaridka oo iyaguna maanta gudaha magaalada Hargeysa kula hadlay warbaahinta ayaa waxay sheegeen inay aqbaleen dhamaan saddexda qodob ee ay soo saareen shalay guddidaasi, halka ay Xukuumada Somaliland ee Muuse Biixi u muuqato inay ka maquuratay aqbalka qodobada qaar.