Ciidanka Jabuuti oo dilay dad rayid ah

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online)-Warka naga soo gaaraya deegaanka Ceelgaal ee Magaalada Beladweyne, ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay toogasho ku dileen qof rayid ah.

Wararku waxa ay sheegayaan in dilka ruuxaasi uu imaaday kadib markii Ciidamadu gaareen deegaanka Ceelgaal rasaasna ooda uga qaadeen dad shacab ahaa oo goob ku xoomay.

Arrintaani ayaa waxaa xaqiijiyay Oday kamid ah dadka deegaanka waxa uuna sheegay in ciidamada Jabuuti ay iska soo galeen goor dhow deegaanka Ceelgaal, kadibna ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo Magaalada ku sugnaa.
Odayga ayaa waxa uu Cadeeyay in rasaastaasi ay ku dhaawacmeen tiro dad ah markii laga reebo halka ruux ee ku geeriyooday.

Waxa uu ku sheegay sababta inay tahay in ciidamada Jabuuti cadaawad ay u qabeen dadka reer Ceelgaal sida uu warka u dhigay.

Sidoo kale, Magaalada ayaa la soo sheegayaa inuu ka socdo banaanbax ay dhigayaan dadka Magaalada oo ay uga soo horjeedaan ciidamada Jabuutiyaanka ee Magaalada ku sugan, falkii ay ka geysteen deegaanka Ceelgaal.

Dhanka kale, Saraakiisha ciidamada Jabuuti iyo Maamulka Magaalada Beladweyne, ayaan wax hadal ah kasoo saarin falkaani ay maanta ku dhaqaaqeen Ciidamada Jabuuti.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com