Muqdisho oo la saaray cuna-qabateyn dhaqaale & tuhun qabyaaladeed oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaarada Maaliyada ee D, ayaa lagu eedeeyay in ay meel walba Isbaaro dhigatay si loo abuuro Cunaqabateyn Ganacsi oo ka dhan ah Magaalada Muqdisho.

Dadka Muqdisho, ayaa sheegaya in wasiirka maaliyadda Xuseen Xalane, uu dagaal qabyaaladeysan kula jiro Muqdisho, islamarkaana ficilladiisa, looga gol lee yahay la dhiiri galiyo Dekadaha Bosaaso iyo tan Kismaayo.

Gaadiid wada Qudaar iyo Xoolo ayaa ku xayiran Koontaroolada laga soo galo Magaalada Muqdisho kuwaa oo ka cabanaya lacago fara badan oo Baad u eg oo ay Wasaarada Maaliyadu kusoo rogtay Gaadiidka Qudaarta iyo Xoolaha Magaalada soo galiya.

Sidoo kale, Dekedda Magaaladda Muqdisho ayaa waxay u egtahay mid dhawaan xirmi doonta oo waxaa la dulsaaray Canshuur xad dhaaf ah. Arintaas Ganacsatada Reer Muqdisho waxay ku tilmaameen mid loola danleeyahay in laga wareegsado wax ka Dhoofinta iyo wax ka soo dejinta Dekedda Muqdisho.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cali Seeko oo Warbaahinta la hadlay ayaa Nasiib daro ku tilmaamay canshuuraha Xad dhaafka ah ee wasaarada Maaliyada kusoo rogtay: Dekedda Muqdisho, Gaadiidka Qudaarta iyo Dhamaan Xoolaha soo gala Muqdisho.

“Ficillada Xuseen Xalane, waa ay cad yihiin inay yihiin kuwa ku saleysan cadowtooyo qabiil, waxaase igaga darran madaxweyne Xasan Sheekh oo ka aamusan” ayuu yiri Cabdi Axmed Jimcaale, oo ka mid ah aqoonyahanada ku nool Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com