Gudoomiye degmo oo is casilay kadib..

Muqdisho (Caasimada Online)-Warka naga soo gaaraya dhanka degmada Dhoobleey ee gobalka Jubada Hoose, ayaa sheegaya in Gudoomiyahii degmada Dhoobleey uu iska casilay xilka.

Warar hoose oo aan helnay, ayaa waxa ay sheegayaan in Is casilaada Guddoomiyaha ay ka danbeysay kadib markii cadaadis dhanka hogaamiyaha maamulka KMG ee Jubba Axmed Madoobe Kaga yimid, inkastoo uu isagu beeniyay in la cadaadiyay.

Qeex Maxamed Cabdulaahi oo ah gudoomiyaha is casilay ayaa u sheegay warbaahinta in marka hore xilkaasi uu iska casilay, islamarkaana aanu jirin in cadaadis uu kala kulmay Axmed Madoobe.

Isaga oo arrintaasi faah-faahinaaya ayaa waxa uu yiri ”Inta aan is Casilin waxan kulan la qaatay Maamulka iyo Odayaasha deegaanka iyo xubno ka mid ah wafdigii Axmed Madoobe ku wehelinaya safarkii dagmada dhoobleey kadibna waxaan ku dhawaaqay is Casilaadeyda weyna iga aqbaleen”

Waxa uu sheegay inuu soo dhaweynaayo ruux waliba oo loo magacaabo xilka Degmada, isagoona cadeeyay in mowqifkiisu yahay ka shaqeynta Amaanka iyo horumarka.

Dhanka kale, Is Casilaada Gudoomiyaha ayaa waxa ay imaaneysaa, iyadoo degmada Dhoobleey uu safar ku gaaray hogaamiyaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Madoobe, waxaana xigay Is Casilaada Gudoomiyaha degmadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com