Gabdho oo Soomali ah oo lagu qabtay Jarmalka & tuhun halisa oo laga qabo

By Asad Cabdullahi Mataan

Frankfurt (Caasimada Online)- Saddex gabdhood oo da’ yar, kuwaas oo ku nool magaalada Denver, gobolka Colorado ee dalka Maraykanka ayaa lagu qabtay magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka. Warkaas waxaa baahisay idaacadda VOA-da, oo sida ay sheegtay ka heshay xigtada iyo saaxiibada gabdhahaas.

Labo ka mid ah gabdhahan ayaa asal ahaan Soomaali ah, kuwaas oo da’doodu ay kala tahay 15 iyo 16 jir. Gabadha saddexaad ayaa u dhalatay dalka Sudan, taas oo aan wali da’deeda la xaqiijin.

Meesha ay gabdhuhu u socdeen wali ma cadda, hase yeeshee waxa mid ka mid ah gabdhuhu ay ciidamada ammaanka u sheegtay in ay u socdeen dalka Turkiga si ay wax u soo bartaan.

Si kastaba, waxaa la sheegay in waalidkood aysan arrintaas la socon. Waxaa sido kale is-weydiin mudan in maadaama aysan gabdhahan dhameyn dugsiga sare, maxay tahay waxabarashada ay u socdeen, illeen jaamacd ma dhigan karanaaee?

Tuhunka ugu weyn ee jira ayaa ah inay u socdeen inay ku biiraaan koxoda ISIS ee dalalka Syria iyo Iraq, oo labadaba xuduud la leh Turkiga, hase yeeshee weli arrintaas ma cadda.

Xigto iyo saaxiibo magacooda qariyey, ayaa VOA qeybteeda afka Soomaaliga u sheegay in Jimcihii hore gabdhaha la waayey. Mid ka mid ah xigtada ayaa sheegay in ay magaalada Denver ka tageen galabtii Jimcaha, siina mareen magaalada Chicago, iyaga oo u sii socda magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka.

Xigtada ayaa sheegtay in isla markiiba ay ciidanka ammaanka ogeysiiyeen, kuwaas oo iyaguna la xiriiray dhigooda Jarmalka. Gabdhaha ayaa la sheegay in hadda dib loogu soo celinayo dalka Maraykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com