Sh. Shariif oo booqanaya dalal dhowr ah (Maxaad kala socota qorshihiisa?)

London (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheikh Axmed ayaa waxa uu booqasho ku marayaa ilaa Afar dal oo kamid ah kuwa deeq bixiyayaasha ah ee caawiya Somalia.

Shariif Sheekh Axmed oo muddo booqasho ku joogay dalka Imaaraadka Carabta, ayaa waxa uu shalay safaro saacado qaatay ku gaaray Magaalooyinka Ankara iyo London, halkaasi oo uu kullamo aan caadi aheyn kula qaatay madaxda dalalkaasi deeq bixiyayaasha ah.

Ujeedka safarada Shariif, ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay mid salka ku hayo u dhabagalka wadooyinkii u sahli lahaa inuu dib u qabto madaxtinimada dalka.

Mid kamid ah saaxiibada Shariif sheekh axmed, ayaa inoo xaqiijiyay in suuragal ay tahay inuu soo laabto, waxa uuna tilmaamay in safarada uu iminka ku howlan yahay uu qeeyb ka yahay dadaalada uu kusoo laaban lahaa.

Waxa uu sidoo kale, sheegay in Shariif uu taageero ka heysto beesha caalamka, taasina ay suuragalineyso inuu dib usoo hamiyo qabsashada xilka madaxtinimo ee Somalia.

Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed ayaa maalinimadii shalay kasoo baqoolay dalka isutaga Imaaraadka Carabta isagoo socdaal ku soo maray magaalada Ankara oo uu kula kulmay Madaxda dalkaasi oo uu kala hadlaayay arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay waxkabadalka siyaasada dalka.

Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu hadda socdaal ku jooga dalka Britain halkaasi oo uu kulamo kula qaadanaayo Madaxda dalkaasi iyo Jaaliyada soomaaliyeed si uu ugu soo bandhigo damaciisa Siyaasadeed.

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com