Dekada magaalada Muqdisho oo lagu qabtay kunteenaro ay ka buuxeen….

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow naga soo gaaray Dekada Magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay sheegayaan in dekada lagu qabtay labo Kunteenar oo ay ku jiraan qamri aad u fara badan.

Wararku waxa ay nagu soo gaarayaan in Labadaan Kunteenar ay qabteen Ciidamada Ammaanka xili la qorsheynaayay in la dajiyo, waxaana halkaasi iminka gaaray masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa ku sugan dekada Muqdisho oo saxaafada halkaasi kula hadli raba.

Dhanka kale, Ciidamada ammaanka Dekada Muqdisho ayaa qabtay Kunteenaradaan qamriga uu ku jiray, waxaana la qorsheynaayay in si qarsoodi ah Magaalada Muqdisho loosoo geliyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com