Guddoomiyaha SIMHA oo xaflad soo dhaweeyn ah loogu sameeyey Norway

Xaflad balaaran oo lagu soodhaweeynayey Guddoomiyaha Dallada isku tagga Xarumaha warbaahinta madaxa banaan ee Soomaaliyeed ee loo soo gaabiyo SIMHA, Xasan Cali Geeseey oo booqasho shaqo beryahanku joogay Dalal Qaaradda yurub ku yaala ayaa Shalay Galab lagu qabtay Magaalada Oslo ee Dalka Norway.

Xafladda soo dhaweynta ah oo ay kasoo qeybgaleen Xildhibaano ka tirsan golayaasha deegaanka ee Magaaloyinka waaweeyn ee Dalka norway, Wariyeyaal,Ururada Bulshada iyo dadweyne farabadan ayaa waxaa hadallo soo dhaweyn u badnaa ka jeediyey dhowr xubnood.

Xildhibaan Baashe Muuse oo ah mudane ka tirsan golaha deegaanka Magaalada Oslo ayaa si diirran magaalada ugu soo dhaweyeey Wariye Geeseey oo dhinac kalena ah Agaasimaha Idaacadda Madaxbanaan ee Dalsan ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho. Xildhibaan Baashe ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in Wariye Soomaaliyeed uu intuu soomaaliya kasoo baxo oo uu shaqo u yimaado Yurub, wuxuuna ku adkeeyey inuu halkiisa kasii wado howsha baaxadda leh ee Wariyeyaasha uu ka mid yahay ay dalka soomaaliya ka hayaan.

Xildhibaan Saciid Maxamuud Daameey oo ah mudane ka tirsan golaha deegaanka magaalada Sundall ee Dalka Norway ayaa halkaas ka jeediyey Hadal ay dadku aad ugu sacaba tumeen, markii uu ku dheeraaday ka sheekeynta ahmiyadda ay umadda soomaaliyeed u leedahay Madax banaanida hadalku. “Xorriyatul qowlku wuxuu kamidyahay waxyaabaha nolosha dadkeena aas aasiga u ah, sida Cuntada iyo biyuhuba muhiim ugu yihiin Nolosheena” ayuu yiri Xildhibaan Daameey oo intaasi sii raaciyey “Soomaalidu wax kasta waa ku cusubtahay, sida aan maamulka iyo siyaasadda ugu cusubnahay oo kale ayaan saxaafaddana ugu cusubnahay”.

Sidoo kale waxaa munaasabaddaasi hadal kajeediyey Xildhibaan Ismaaciil Muxudiin oo ah mudane katirsan golaha deegaanka magaaalada Trondheim ee dalka Norway, wuxuuna suxufiyiinta Soomaaliyeed ku amaanay Dadaalka ay ugu jiraan in xaaladda dalka wax laga badallo, isagoo wax aan la aqbali karin ku tilmaamay weerarada iyo dilalka lagu hayo suxufiyiinta soomaaliyeed..

Cismaan Xaashi Kaariye oo ku hadlay magaca wariyeyaasha soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan Norway isla markaana ka tirsan Tv-ga Qaranka ee SNTV ayaa si diirran ugusoo dhaweeyey Magaalada Oslo Wariye Xasan Cali geeseey, isagoo muujiyey sida wariyeyaasha Soomaaliyeed ee Norway ay ugu faraxsanyihiin inay soo dhaweeyaan.

Wariye C/raxmaan Xudeyfi oo ka tirsan Telefishinka Qaranka ayaa isna ku dheeraaday soo dhaweynta saaxibkiis Geeseey oo ay muddo kasoo wada shaqeeyeen dhowr idaacadood oo ku yaala magaalada Muqdisho, wuxuuna ku boorriyey inuu dadaalkiisa shaqo halkaas kasii wado.

Sidoo kale Qaasim C/lle Xuseen (Nero) oo horey tifaftire uga soo noqday Wargeyskii Qaran Press ee magaalada Muqdisho ayaa isna ka sheekeeyey isbadalka ay sameeyeysay Saxaafadda Soomaaliyeed 20 kii sano ee lasoo dhaafay, wuxuu sheegay in bartamihii sagaashameeyadii oo ay dalka ka talinayeen hogaamiye kooxedyo laga cabsado aysan hadana dhicinwariye loo dilay shaqadiisa darteed inkastoo ay jireen handadaadyo fara barabadan. “Wariye laguma dilin Muqdisho intii u dhaxeysay 1996-dii ilaa 2001-di ” ayuu yiri isagoo intaasi sii raaciyey inuu xasuusto in bartamihiihii sagaashaameeyadii kooxii hubeysnaa ay xireen labo Wariye oo kala ahaa Aadan Liisaan iyo Cali muuse Cabdi oo u kala shaqeynayey Wakaaladaha wararka ee Reuters iyo AFP.

wuxuu intaasi ku daray in berigaas ay magaalada ka jireen 20 wargeys, laakiin bedelkoodi ay haatanmuqdisho ka jiraan labaatameeyo idaacadoodin ka badan, wuxuuna ku booriyey inwariyeyasha laga dhiso dhinac aqoonta iyo dhanka Anshaxa Saxaafadda. ugu dambeytii wuxuu kula dardaarmay Guddoomiyaha SIMHA inuu xoogga saaro inay wariyeyaashu kaalin muuqata ku lahadan diyarinta sharciga saxaafaddda ee lagu dhaqi doono.”waxa lagugu maamuli doono waa inaad ogaataan “ayuu yiri Qaasim nero.

ugu dambeyntii Wariye Xasan Cali Geeseey ayaa hadal dheer oo kaftan iyo xog warran isugu jiray halkaasi ka jeediyey. wuxuu dadka soomaaliyeed uga sheekeeyey sida uu xaalka waddanku hada yahay isaga oo sheegay in Soomaaliya xili ay hadda ka wanaagsantahay aysan jirin.wuxuu intaasi ku daran inay wax wanaagsan tahay hadii maanta aan taaganahay heer saldhiga booliska lagaa soo dacweeyo halkii muddo aan dheereyn ka hor toos wariyeyaasha loo dilijiray. inkastoo uu dilka wariyeyaashu uu wali sii socdo isagoo tusaale usoo qaatay Wariye C/saaq Black oo dhawaan kooxo hubeysan ay toogasho si xun ugu dhaawaceen magaalada muqdisho.

Mar uu ka hadlayey horumarka ay saxaafadda soomaaliya gaartay ayuu tusaale uso qaatay in Magaalada muqdisho ay tahay magaalada sadexaad ee ugu Idaacadaha badan bariga afrika “kaliya magaalooyinka Nairobi iyo Kampala ayaa naga idaacado badan “ayuu yiri Mr Geeseey oo intaas ku daray inay maanta muqdisho ka shaqeeyaan in ka badan 30 idaacadood. Qurba joogta ayuu ku dhiirigeliyey inay ka qeybqaataan dib u dhiska waddanka oo aaney xooga uun saarin ka qeybgalka dhanka siyaasadda.

xafladaas waxaa suugaan kusoo xiray Naciimo Caseyr, Xuseen Madoobe Shaaciye, iyo fanaaniinta kala ah Xuseen Cabdulle Calasow (Nuuriyoow) iyo Keysar Cumar Gacal.dhamaan wariyeyaasha soomaaliyeed ee Magaalada Oslo iyohareeraheeda waxay si farxad leh usoo dhaweeyeen iyaga oo aan u kala harin saaxibkood Wariye Xasan Cali Geeseey oo isagu howl shaqo u yimid waddanka Holland, isagoo booqasho ku tagay Magaalooyin Norway ku yaala, wuxuuna sii mari doonaa waddanka Sweden halkaasi oo uu kula kulmi doono suxufiiyinta soomaaliyeed ee halkaas ku dhaqan iyo bulshada soomaaliyeed guud ahaan ka hor inta uusan dib ugu laaban magaalada Muqdisho dhowaan.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO VIDEO-GA: 

geesegeese1geese2geese3geese4geese5geese6geese7geese8geese9geese10