“Haddii aan raali ka noqono heshiiskii GAROOWE micnuhu waaxa uu nooqn inaan ogolaanay in dalka la iibsado”…

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamuud Cawaale oo ah guddoomiyaha Hobyo ee maamulka Gal-mudug ayaa sheegay in reer Mudug aysan marnaba aqbali doonin heshiiskii xukuumadda dhexe iyo maamulka Puntland ku gaareyn magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal.

Waxa uu sheegay in Heshiiskaasi uu yahay mid baadil ah oo lala baalmaray sharciga, waxa uuna Tilmaamay inaysan Ogolaan doonin marnaba in si dadban ay Xukuumadu ugu tumato sharciga dalka.

Isaga oo arrintaasi ka hadlaayaya ayaa waxa uu yiri ”Haddii aan raali ka noqono arrintii garoowe ee lagu kala saxiixday micnuhu waxan Ogolaanay in dalka la iibsado, taasina waa Muwaadin oo Somalia laga dhex waayo”

Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya in la mideeyo gobalada Mudug iyo Galgaduud loona hogaansamo dastuurka dalka uyaala iyo waxa uu ka qabo dhismaha maamul gobaleed.

Si kastaba ha ahaatee, Gudoomiye Cawaale waxa uu tilmaamay in hogaamiyaha Puntland uu ku doodi karo in dadkiisu ay degaan qeyb kamid ah Mudug balse aysan suurta gal ahayn in gobalka la kala jaro waa sida uu hadalka u dhigaye.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com