Qoyska Xasan Daahir Aweys oo ku jah- wareersan DFS (Maxaa soo kordhay?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah qoyska Wadaadka maxbuuska ah ee Xasan Dahir Aweys, oo codsaday inaan la magacaabin ayaa Caasimada Online u sheegay aad ugu jahwareersan yihiin Dowlada federaalka ah ee Somalia.

Waxa uu sheegay in Dowlada federaalka aysan iska warqabin, islamarkaana xariga iyo deysmada Xasan Daahir uu marba dhinac ka mid ah dowladda la imaanayo shuruudo iyo caqabado hor leh.

Waxa uu sidoo kale sheegay in madaxda DF Somalia ay qaarkood sheegen in Xasan Daahir uu iyaga u xirneyn, islamarkaana deysmadiisa aysan ka hadli karin, halka qaarna ay sheegayaan inuu u xiran yahay Xasan Sheekh oo isaga uu diiday shuruudahii lagu sii deyn lahaa.

“Aad ayan ugu jahwareersanahay arrinta Sheekh Xasan, waayo cid aan kala xaajoono maheyno cid waliba wey iska fogeyneysaa oo dad kale ayay ku tilmaameysaa, ilaa hada waxan garan la’ nahay cida uu u xiran yahay Xasan Daahir” ayuu yiri

Waxa uu sidoo kale xaqiijiyey in muuqaalka Xasan Daahir uu aad isku bedelay, ayna lasoo darseen xanuuno kala duwan.

DF Somalia ayay qoyska ugu baaqeen inay wax ka qabato arrinta Xasan Daahir, ayaga oo codsaday in meesha laga saaro hadalada muujinaaya mas’uul darida ee ku saleysan cidda uu u xiran yahay Xasan Daahir.

Waxaa sidoo kale qoysja ay sheegayaan in Xasan Daahir ay ku yaalaan dhaawacyo ka dhashay koronto lagu qabtay iyo waliba fiilooyin lagu garaacay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com