DF oo Kenya la furtay wadahadal ay ku dooneyso in loogu soo gacan geliyo…

Nairobi (Caasimada Online) – Kenya iyo Soomaaliya ayaa ka wadahadlaya sidiiburcad-badeedda Soomaalida ee ku jirta xabsiyada Kenya loogu soo wareejin lahaa Soomaaliya oo ay ku qaataan muddada ka harsan xukunkooda, mas’uuliyaan ayaa sidaas sheegay.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Nuur ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda leedahay awoodda ay ku qaabisho caddaaladna ugu fidiso burcad-badeedda lagu helay dambiyada.

“Waxa Kenya lagu hayaa 122 kuwaas ka mida,” ayuu yiri. “Waa ay fiicnaan lahayd in maxaabiista la xukumay ay inta u hartay mudda-xabsiyeedkooda ku qaataan dalkooda hooyo. Taasi waxa ay ugu oggolaan doontaa in ay si fudud ugu noqdaan bulshada kadibna ula fal-galaan.”

“Inta badan burcad-badeedda ayaa loo keenay Kenya sababta oo ah dawladdeeydu waxay ku jirtay xasilin, laakiin hadda nidaamkii wuu shaqaynayaa waanan ku faraxsanahay in Kenya ay nagu sii sintay burcad-badeedda intii aan isku duweeynay hannaanka lagama maarmaanka ah,” ayuu yiri.

Nuur waxa uu sheegay in wareejintu u badan tahay in ay dhawaan dhacdo, inkasta oo uu sheegay in ayan isla meeldhigin jadwal shaqo. “Waxa jira qoraallo yar yar oo la samaynayo ka hor inta aan la wareejin,” ayuu yiri.

Dhinaceeda, ayay Xoghayaha Golaha Xukuumadda Kenya ee Arrimaha Dibadda Amina Mohammed waxay xaqiijisay in ay suurtagal tahay wareejinta burcad-badeedda, iyada oo intaa ku dartay in ay taasi maslaxad ugu jirto Kenya.

“Waan tixgalinaynaa fikirkaas si ay [burcad-badeeddu] ugu noolaadaan meel u dhaw waalidkood haddii ay rabaan in ay booqdaan,” ayay tiri, iyada oo intaa ku dartay in wareejintu ay Kenya ka caawin doonto in ciriirigu ka yaraado xabsiyada lagu hayo burcad-badeedda.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com