VIDEO: Taliyihii xasuuqay ONLF oo ay xil sare ku abaal mariyeen M/W iyo R/W

Madaxwaynaha dalka Ethiopia Mulatu Teshome, iyo R/wasaare Hailemariam Desalegn ayaa darajada ugu sareysa Ethiopia guddoon siiyay Taliyihii qeybta weyn ka qaatay dagaalada lagula jiro Jabhadda xoreynta Ogaadeeniya, kaasoo lagu magacaabo Gen. Abraham Woldemariam Genzebu, iyo Shan Sarkaal kale.

darajoGen. Abraham W.Mariyam ayaa loo dalacsiiyay Lieutenant General oo ah darajo heerkeeda sareyso, waxaana lagu amaanay kaalintii uu ka qaatay dabar goynta Jabhadda xoreynta Ogaadeeniya iyo geesinamadii uu muujiyay intii uu howlgaladaasi hoggaaminayay.

Munaasabad lagu xusayay maalinta calanka Itoobiya oo uu ka qeyb galay Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Iley ayaa wuxuu ku bogaadiyay darajada la siiyay Gen. Abraham.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Haile Mariam Desalegn ayaa sheegay in saraakiishaan ay ku mutaysteen dalacsiintan shaqooyinkii ay qabteen iyo dhabar adeegii ay muujiyeen mudadii ay howsha ku guda jireen.