Daawo: Xasan oo ka hadlay shirarka is diidan ee Kismaayo iyo Garbahaarey

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmauud, ayaa intii uu ku guda jiray socdaalkii uu ku tagay dalka France waxa uu wareysi siiyey weriye Cabdi Weli Garyare oo ah agaasimaha Universal TV ee Holland iyo  agaasimaha warbaahinta Kismaayo24.

Xasan Sheekh ayaa ka hadlay dhowr qodob oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin shirka MIDNIMO KOOW  ee ka socda magaalada Garbahaareey, kaasi oo uu sheegay inuu si weyn usoo dhaweynayo, waxaana uu ku qeexay mid wax weyn ka tari doono isku soo dhaweynta dalka walaalaha ah ee wada deggan gobollada Jubbooyinka.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay heshiiskii ay dowladdiisa dhowaan la saxiixatay maamulka Puntland, isaga oo sheegay inuu taageeray wixii aan dastuurka dalka ka hor imaaneyn.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay qodobo kale oo muhim ah sida socdaalkiisa France iyo wixii ugu soo absoomay

Halkan ka daawo