Xaflad ay ka soo qeybgaleen boqolaal qofood oo Soomaali ah, laguna soo dhoweynayey maamulka la filayo in dhowaan loo sameeyo Gobolada dhexe ee Soomaaliya (Galguduud & Mudug) ayaa lagu qabtay Magaalada Denhaag ee waddanka Holland, waxaana xafladaasi dadka ka soo qeybgalay ay ka kala yimaadeen dalalka Holland, Biljam & Jarmalka.
Dr. Cumar Weheliye oo ah macalin wax ka dhiga Jaamacad ku taala waddanka Holland, ayaa ugu horreyn shirkaasi ka hadlay waxaana si qoto-dheer uu kaga warbixiyey marxaladda siyaasadee ee dalka, isaga oo rajo quus ah ka muujiyey in la helo hogaan ay Soomaalidu u madax-bannaan tahay, waxaana uu tilmaamay in wixii ka dambeeyey burburkii ku yimid Dowladdii dhexe ee Soomaaliya in wax Dowlad lagu tilmaami karo oo Soomaaliya soo marta ay aheyd (TFG-dii Carta), qudheedana laga awood badiyey.
“Nidaamkan hadda lagu leeyahay Federaalka, qof la weydiiyey ma jirto ama gudaha ha joogo ama dibedda ha joogo waa wax madaxa na laga saaray; Arrinta maamul u sameynta Gobolada dhexe ee Soomaaliya laga dhisayo oo caawa taageeradiisa halkan la isugu yimid, waxey ila tahay inaan laga maarmeyn in dhowr arrimood laga fiiriyo inta aan la taageerin, arrimaha Soomaaliya waxaa lagu eegayaa inta badan dhanka caadifada, oo dadka caadifadoodu waa iska kacsan tahay, hadba wixii cusub ayeey bulshadu ku kacayaan, laakiin waa meesha ka maqan in caqli & miisaan dhab ah lagu eego, lana miisaamo miraha laga filan karo haddii maamul uu Goboladaasi ka hana-qaado, waxaan diidayaa in natiijadii laga hormariyo dabaaldaga & taageerada, marka la arko natiijada ayuu dabaaldagu iman karaa” Ayuu yiri Dr. Cumar, wuxuuna intaa ku daray in shacabku yihiin Dowladda rasmiga ah, loogana baahan yahay shacabku in ay danahooda taageeraan, kana fogaadaan sidii ay danahooda u taageeri lahaayeen.
Dr. Cumar wuxuu ku nuuxnuuxsaday in ey tahay wax wanaagsan in bulsho meel wada dagan ay sameystaan maamul ay ku mideysan yihiin, oo u fuliya adeegyada lama huraanka u ah noloshooda sida waxbarashada, caafimaadka & tayeynta nolosha bulshada halkaas ku dhaqan, haddana wuxuu ayaan darro ku tilmaamay in Madaxdii Qaranka ay dalka & dadka ku hogaamiyaan howtul-hamag, iyaga oo aan war u hayn wixii ay shalay saxiixeen & waxa ay maanta saxiixayaan.
“Dowlad qalinkeeda & afkeedu aan is ogeyn dowlad ma noqon kartaa.? shalay Madaxweynihii & R/wasaarihii waxey saxiixeen in Mudug & Galguduud la is raacinayo, loona sameynayo maamul. Maanta- na R/wasaarihii oo shaarkii dowladnimada gashan ayaa qalinka ku duugay heshiis Qaran dumis ah, oo beel ka mid ah beelaha Soomaalida la la simay Dowladdii, madaxda sidaa u dhaqmeysa maxaa lagu tilmaami karaa.?” Ayuu yiri Dr, wuxuuna intaa ku daray in waxa Soomaaliya ka jira aan Dowlad lagu tilmaami karin, ee ey tahay dad shaarkii Dowladnimo loo geliyey, laguna maamulayo.
“R/wasaaraha inta meel istaagay ayuu yiri Gaalkacyo waa kala qeybsan tahay, Wasiir ku xigeenkii arrimaha dibedda isna wuxuu yiri heshiiskaasi mid wax ka jiro ma ahan. Dowladdii mid mid la socdo ma lahan,
ka soo gudub, maamul in dadka loo suubiyo, oo nidaam yeesho oo ku shaqeeyo danta iyo maslaxada ummadda ayaa ku jira laakiin looma ogola” Ayuu yiri Dr. Cumar.
Cusmaan Maxéd oo ku hadlayey Jaaliyadda Ximin & Xeeb, kan mid ah aqoonyahanada Soomaalida ah ee ku dhaqan Holland ayaa sheegay inuu u arkayo tillaabo muhiim ah in Gobolada dhexe la isku daro, si loo xaqjiiyo isku filnaan dhaqaale & mid bulsho oo ay Goboladaasi ku tillaabsadaan.
“Bulshadda dagta Gobolkaas waxaa looga baahan yahay in ay fahmaan inaad keligiin isku filnaan kartaan, waxaan la kala ji-jiidanaya ma yaalaan, dadku waa in maskaxdooda, cuddudooda & dhaqaalahooda la mideeyo cid faa’iido gooni ah ku qabtana ma jirto, qofka noogu cimri badan wuxuu noolaanayaa waqti kooban, waxaa muhiim ah in xilligaasi nabadgelyo & tacliin” Ayuu yiri Max’ed Cusmaan, wuxuuna intaa sii raaciyey;
“Dad baa aaminsan in dadka Gobolada dhexe aysan noolaan karin haddii aysan Gobolo kale ku tiirsaneyn, dadkaas ma ahan dad dalka kala yaqaan Gobolada dhexe waa meelaha ugu qanisan dalka”
Max’ed Cusmaan Guurre oo ka mid ah Guddiga qabanqaabada xafladda, ahna aqoonyahan bulshadda Soomaalida dhexdeeda sumcad ku leh, ayaa isaga oo ka hadlayey xafladda wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay tiro intaas la’eg oo Soomaali ah inta meel isugu timaado in ay taageeraan baaqa dhismaha maamulka Gobolada dhexe, waxaana uu intaasi raaciyey in rajada Soomaaliya ay soo dhowdahay mar haddii dadka Goboladaasi ka soo jeeda ay dhinac isu raaceen, ayna dhab ka tahay horumarinta & nabad ku wada noolaashaha dhexdooda ah.
“Gobolada dhexe 25 beelood ayaa dagan, waa Gobolada keliya ee ku caanka ah dal & dad jaceylka, wax aan qaadan karno ma ahan in gumeysi cusub gobolkeena la wareejiyo” Ayuu yiri Maxéd Cusmaan Guurre.
Diiriye Abshir oo ku hadlayey magaca Jaaliyadda Khaatumo state ee Biljamka, oo dadkii xaflada ka hadlay ka mid ahaa wuxuu sheegay in Khaatumo ay ayideyso maamul u sameynta labadda Gobol ee Mudug & Galguduud.
“Khaatumo marka la yiraa waxaa idiin muuqaneysa midnimada ummadda Soomaaliyeed , cid kasta oo Soomaaliyeed oo isku tashaneyso aad baanu u soo dhoweyneynaa waana garab taaganahay maamulka Gobolada dhexe” Ayuu yiri Diiriye Abshir.
Maxéd Ciise Faratol oo ah aqoonyahan ka soo jeeda Gobolka Mudug wuxuu u mahadceliyey Guddiga xafladda soo qabanqaabiyey, isaga oo xusay in waxgaradka Goboladaasi ka soo jeeda ey waajib ku tahay in ey meel iska dhigaan
“Gobolada Mudug & Galguduud cidna u maqan ceel na uma maqan, Dowladda Soomaaliya waa in ay fulisaa heshiiskii ay 30-ka bisha 7-aad ey ku saxiixeen Villa Soomaaliya, ayna ka dhabeeyaan, oo aysan beesha caalamka waxba ka sugin, ayna iyagu isku tashadaan oo maamul loo dhan yahay ka dhisaan gobolada dhexe, kala qoqobnaanta aan ku jirno waxba ku hagaagi maayaan wax kasta waa in si midnimo leh loo wajahaa, Gobolku waa Gobol qani ku ah kheyraadka, waxaana diyaar loola yaay maalgashi & in laga fuliyo mashaariic, waxaan farriin u direynaa xildhibaanada & siyaasiyiinta Goboladaasi ka oso jeeda in ay si buuxda u taageeraan gogosha Gobolada dhexe, walaalayaal caqligu ha shaqeeyo kala qoqobnaan haddeey faa’iido leedahay waqti fog ayaan ku jirney” Ayuu yiri Max’ed Ciise Faratol.
Cabdifitaax Daahir oo ah sarkaal la shaqeeya hay’adda Amnesty International oo isna dadkii xafladaasi ka hadlay ka mid ahaa, wuxuu sheegay inuu soo dhoweynayo maamul u sameynta Gobolada Mudug & Galguduud, isaga oo dadka Goboladaasi ka soo jeeda ugu baaqay inay fahmaan, iyada oo aan cid gaar ah loogu daneyneyn in meel looga soo wada jeesto sidii ummadda Soomaaliyeed ee Gobolkaasi ku dhaqan ay u heli lahaayeen adeegyada aasaasiga u ah nolosha bini’aadamka.
“Wadajirku wuxuu aasaas u yahay nolosha aadanaha, diinta islaamku muhiimada wadajirka waxey iska taagtay boos aan la iloobin karin, ummadda ku dhaqan Gobolada dhexe waxaan ugu baaqayaa midow & wadajir” Ayuu yiri Cabdifitaax Daahir.
Guddoomiyihii hore ee FSAN Ganacsade Xuseen Khadiib ayaa ku biiriyey codkiisa taageerada maamul u sameynta Gobolada dhexe, waxaana uu sheegay Xuseen Khadiib inuu soo dhoweynayo, uuna u arko tillaabo (posative) ah in dadka Goboladaasi ka soo jeeda inta isu yimaadaan ay is-weydiiyaan waxa ay dadkooda u qaban karaan.
“Halka ugu haboon ee qof kasta inuu wax ka billaabo ey tahay waa deegaankiisa, waxaan u arkaa dadka ka soo jeeda Gobolada dhexe in ey dad caan ku ah is-jaceyl & wax wada qeybsi” Ayuu yiri Xuseen Khadiib.
Guddoomiyaha ururka Wadajir C/rashiid Ibraahim Maxéd ayaa ka mid ahaa aqoonyahanadii shirkaasi ka hadlay, waxaana Cabdirashiid dadka xafladda ka soo qeybgalay uu kaga warbixiyey socdaal uu dhowaan Muqdisho ku tegay, isaga oo tilmaamay in sawirka Muqdisho hadda ka muuqanaya uu yahay mid qof kasta oo muwaadin ah farxad gelinaya, waxaana uu intaa ku daray in isbedelkaasi xittaa uu dareemi karo qofka ay Magaalada ugu dambeysay 2 sanno ka hor.
“Muqdisho intii aan joogay indhaheyga ma saarin qof qabiil ka hadlaya, waxaa ALLE mahadiis ah in garaadka bulshadda Muqdisho ku dhaqan uu ka tirtirmay qabiil” Ayuu yiri Cabdirashiid, wuxuuna intaa sii raaciyey;
“Waxaa si kal & laab ah taageereynaa Maamulka Gobolada dhexe ee Galmudug & Mudug; waxaan jeclaan lahaa in qof kasta oo innaga mid ah uu isweydiiyo; dalkaagu muxuu kaa istaahilaa.? dalku maanta waa inoo baahan yahay, qofkii aqoontiisa ku badbaadin kara, iyo kii shilimaadkiisa ku biirin kara waa in eynaan caruurteena & rootiga aan cuneyno keliya aynaan ka fikirin oo aan ku xisaabtanaa halkii aan caruurteena u celin laheyn
C/qaadir Gabeyre oo fadhigiisu yahay dalka Poland, ahna sarkaal kala taliyaa Wasaaradda arrimaha dibadda Poland arrimaha quseeya dalalka Afrika, ayaa sheegay in Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan Poland ay soo dhoweynayaan qorshaha maamulka loogu sameynayo Gobolada dhexe, ayna u arkayaan in aqoonyahanada & indheer-garatada Goboladaasi ka soo jeeda in ay meel uga soo wada jeestaan
“Haddaan nahay reer Poland waxaan diyaarinay mashruucii lagu dhisi lahaa dekadda Hobyo, waxaan sugeynaa oo keliya inta si (Official) ah maamulkaasi loogu dhawaaqo” Ayuu yiri Gabeyre.
Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xassan Cawaale (Qeybdiid) , Madaxweynaha Ximin & Xeeb Cabdullaahi Baarleex & Guddoomiyaha Gobolka Galguduud Xuseen Cali Weheliye (Cirfo) ayaa qadka taleefanka kaga qeybgalay xafladda, waxaana saddexdaasi mas’uul ay sheegeen in dhinacooda ay ka go’an tahay sidii horay loogu dhaqaaqi lahaa, iyada oo laga faa’ideysanayo dhibaatooyinkii la soo marayna.
Falastiin Axmed dhoore oo waxgaradkii madasha ka hadlay ka mid aheyd, kana soo shaqeysay Wasaaraddii Warfaafinta Dowladdii Kacaanka, ayaa ugu baaqday ummadda Soomaaliyeed ee Gobolada dhexe ku dhaqan in ay dib u fiiriyaan dhaqankii ay horay u lahaayeen, ee ahaa is jaceylka & walaaltinimada.
Aqoonyahan Daahir Cali (Daahir Madoobe) ayaa isaga oo ku hadlayey magaca aqoonyahanada Gobolka Galguduud wuxuu sheegay inuu soo dhoweynayo maamulka loo sameynayo Gobolada dhexe.
“Dadka goboladaas dagan waa in ay caddeyeen in aysan cidna duulaan ku aheyn, laakiin waxaan rabnaa inaan helno maamul ay goboladaasi leeyihiin, waxaa kale oo anigoo ku hadlaya magaciina aan doonayaa inaan muujino taageerada aan u hayno in maamul loo sameeyo Gobolada dhexe, (Galguduud & Mudug)” Ayuu yiri Daahir Madoobe.
Guddoomiyaha Jaaliyadda Denhaag Max’ed Cali Cusmaan (Kaali) & Ku-xigeenkiisii C/risaaq Max’ed Muuse, ayaa ugu dambeyntii xafladda ka hadlay waxaana ay sheegeen in la joogo xilligii waxgaradka, aqoonyahanada & dhalinyarada ay ka qeybqaadan lahaayeen nabadda & horumarka Gobolada dalkooda, waxaana Kaali & C/risaaq ay dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqeen in sidii ay dhexdooda isu abaabuli lahaayeen, ugana qeybqaadan lahaayeen ololaha dib u dhiska dalka.
Intii ay socotay Xafladda waxaa heeso waddani ah & kuw dabacsan dadkii ka soo qeybgalayey ku madadaalinayey fannaaniin uu horkacayey fannaan Maxéd Weerow, Faadumo Haryan & Faarax Kaftan.
Barnaamijka xalay waxaa xiriiriye ka ahaa, dadkana hadalka u qeybinayey Maxéd Midnimo oo ah aqoonyahan firfircoon, oo ka mid ah Jaaliyadda Soomaalida Holland.