Xog: Barre Hiiraale & Axmed Madoobe oo isku goodiyay kadib wada-hadal

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar naga soo gaaraya dhanka Magaalada Kismaayo, ayaa xaqiijinaaya in xaaladaha Siyaasadeed ee u dhexeeya Axmed Madoobe iyo Barre Hiraale uu maraayo meel adag.

Wararku waxa ay sheegayaan in Barre Hiiraale uu wacay Hogaamiyaha raaskambooni isagoona kala hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid ahaayen duullaankii Seddex maalin ka hor lagu qaaday duleedka Kismaayo gaar ahaan xarumaha Ciidamada Col. Barre hiiraale.

Wada-hadal Wakhti dheer qaatay kadib, ayaa waxaa lasoo warinayaa in wada-hadalkii uu isku bedelay Hanjabaado ay labada Mas’uul hawada isku mariyeen, waxaana la tilmaamayaa in hanjabaadaasi uu bilaabay Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa ku goodiyay inuu weerar labaad u celin doono Ciidamada Goobweyn ka jooga Barre Hiiraale, waxa uuna intaa raaciyay in Jubbooyinka uu isaga ka arimiyo Barre hiiraalane uu ka yahay shacab.

Sidoo kale, Barre ayaa la ku goodiyay in Kismaayo uu dhawaan dib ugu soo laaban doono, islamarkaana uu jawaab degdeg ah ka bixin doono duullaanka lagu qaaday.

Barre ayaa sidoo kale ku goodiyay in Ciidamadiisu kala soo bixi doono Xarumaha ku dhex yaalla Kismaayo, islamarkaana uu duullaan ku yahay goobaha Kismaayo uu kasoo galo dhaqaalaha.

Xaalada ayaa ah mid kacsan waxaana lasoo sheegayaa in Ciidamada Goobweyn ee ka amarqaata Barre Hiiraale ay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ciidan waxaana laga cabsi qabaa in halkaasi uu ka bilowdo dagaal labada garab dhexmara.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com