“Haddii sharciga laga tilaabo cid walba aqalkeeda bey maamulan” Waxaa yiri…

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug waxaa maanta lagu qabtay kulan looga soo horjeedo heshiiskii dhawaan magaalada Garoowe ay ku wada saxiixdeen dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Kullanka ayaa waxa uu u dhexeeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gal-mudug, Gudiga Odayaasha, Siyaasiyiin, waxgarad iyo Culimo kasoo jeeda deegaanada Gaalkacyo iyo beesha degta.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ujeedka kullanka uu ahaa mid looga dhiidhinaayay Heshiisyadii dhex maray Dowlada Federaalka ah iyo Maamulka Puntland.

Kullanka inta uu socday ayaa waxaa ka hadlay Mas’uuliyiin ka tirsan Gal-mudug iyo Siyaasiyiin dhaliilsanaa Heshiisyada ay kala saxiixdeen DF iyo Puntland.

Bile Diini Cali oo ah Gudoomiyaha Magaalada Gaalkacyo ee Gal-mudug oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh uu dalka dib ugu celinaayo waxyaabo laga soo gudbay, waa sida uu hadalka u dhigaye, waxa uuna intaa raaciyay in ka maamul ahaan aysan qaadan doonin in shaqsiyaad ay ku tuntaan sharciga iyo dastuurka dalka.

Waxa uu sheegay in Heshiiskaasi uu ahaa mid lagu dhabar jabinaayo Bulshada Soomaaliyeed ee iminka kasoo kabaneysa burburka iyo khasaaraha, isagoona ka digay in la taageero heshiiskaasi.

”Waxaan kasoo horjeednaa sharciga dalka oo lagu tagri falaayo uma dulqaadan doono in la carqaladeeyo qodobada dastuurka. waxaa inoo muuqda in DFS ay qancineyso shaqsiyaad gaar ah lana iibsanaayo nolosha bulshada sharcigii lagu hagaayay”

Isaga oo intaa kasii anbaqaadayo ayaa waxa uu yiri ”Ninkii aan laheyn aqoon iyo waayo aragnimo ayaa lagu hagi doonaa heshiiskii DF iyo Puntland, anagu qaadan meyno heshiis loogu hiilinaayo C/weli iyo maamulkiisa, haddii laga tilaabo sharciga cid waliba gurigeeda ayay maamulaneysaa”

Dhamaan xubnihii kulankaan ka qeybgalay ayaa si isku mid ah uga soo horjeestay Heshiiskii Garoowe, waxaana ay si kulul u cambaareeyeen dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com