Nabadsugida oo weerartay gudoomiye

Muqdisho (Caasimada Online)-Nuur Xasan Guutaale  oo ah  Gudoomiyaha Degmada Ceelbuur ee DF Somalia oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan Nabadsugida Qaranka Somalia ay weerar adag kusoo qaadeen Hooygiisa uu ka degnaa Magaalada Muqdisho.

Nuur Xasan Guutaale waxa uu sheegay in lagu soo weeraray laba Cabdi-bile oo ay saarnaayen Ciidamada Nabadsugida, waxa uuna Tilmaamay in xiligaasi uu hooygiisa ka maqnaa, islamarkaana ay Ciidamada gudaha u galeen qaateen alaab qolkiisa ku jirtay.

Waxa uu Tilmaamay in qorshahaasi uu ahaa mid lagu doonaayay in lagukharijiyo, balse nasiib daro aysan Ciidamadu usuuragalin.

Isaga oo weerarkaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Labo Gaari oo ay wataan Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida Qaranka ayaa Xili Habeyn ah Gurigeyga soo weeraray,markaas waan ka maqnaa, alaab aan lahaa ayey qateen Dadkii Guriga joogayna Rasaas ayey  ku fureen”

Dhanka kale, waxaan jiri ilo kaasi ka duwan oo xaqiijinaaya hadalka Gudoomiyaha Ceelbuur ee sheegay in qorshe lagu Khaarijin lahaa uu ka bad-baaday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com