DF Soomaaliya oo iska aamusan xilli ay laba BEELOOD dagaal isku leynayaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan oo ka mid ahaa Baarlamaankii KMG, ayaa waxa uu si adag uga hadlay Arrinta ku saleysan Dagaala beeleedkii ka dhacay Deegaanka Deefoow iyo Kabxanleey oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Ex. Xildhibaan Cabdiraxmaan Jimcaale , waxa uu tTilmaamay in DF ay is moogeysiineyso dagaalada culus ee ku saleysan Beelaha wada dega Deefoow iyo Kabxanleey.

Waxa uu sheegay in Mas’uuliyada dagaalkaasi ay dusha saaran doonto Dowlada, wuxuuna cadeeyay in mowqifkoodu yahay inay Juhdi galiyaan joojinta dhiiga, halka DF ay ka aamusan tahay, sida uu hadalka u dhigay.

”Dowlada Xasan Sheekh si gaar ah uma daneyneyso joojinta Dagaalada iyo in Bulshada Deefoow iyo Kabxanleey kuwada noolaadan nabad, waxaa noo muuqaneyso in daryeel xumi Siyaasadeed ay jirto”

Wuxuu wax laga Xumaado ku tilmaamay in Ciidamada AMISOM loo Wakiisho joojinta dagaal beeleedyada ka dhacaya Gobolka Hiiraan, isagoon xusay in ay haboon tahay in Ciidamada Dowlada ay kala dhex galaan beelaha ku dagaalamaya Gobolkaasi Hiiraan.

”Waa nasiib daro in meel looga baahan yahay Ciidamada DF la geeyo kuwo Amisom ah, taasi waxa ay ka turjumeysaa in laga caga jiidaayo joojinta dhiiga daadanaaya”

Haddalka Ex. Xildhibaan Cabdiraxmaan Jimcaale, ayaa waxa uu kusoo beegmayaa, iyadoo halkaasi loo xil saaray Gudi wasiiro ah si ay usoo afjaraan xiisada colaadeed ka taagan deegaanada Deefoow iyo Kabxanleey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com