Sawirro: go’aan ka kooban 9-qodob oo laga soo saaray shirkii Muqdisho ee…

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirweynaha looga arinsanayey xeerka nadaamaka gorsoorka , xeerka samaynta maxkamada Dasrtuuriga iyo hirgalinta qorshaha dib uhabaynta hay’adaha cadaalada dalka , oo Shantii maalin oo aynu soo dhaafnay magalaada Muqdisho kaga socday, ayaa maanta lasoo gabagabeeyay.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay Garsoorayaal, Siyaasiyiin, Culimo kuwaasi iyo Qareeno, ayaa waxaa laga soo saaray qodobo ku qotoma dhammaan Barnaamijka shirka.

Sidoo kale, Ujeeddada shirka ayaa ahaa hormarinta Caddaalada Wadanka waxaana muddo Asbuuc ah kadib maanta laga soo saaray qodobo ay kamid ahaayen:-

1. In baahi adag loo qabo dib u habeynta xeerka nidaamnka Garsoorka dalka iyadoo la waafijinaayo nidaamka Federaalka ee dalka u degsan.

2. In si haboon look ala saaro awoodaha Maxkamdaha xeerka Federaalka iyo kuwa gobolada.

3. In erey bixin iyo dib u eegis lagu sameeyo iyadoo la adeegsanaayo luuqad qaanuuni ah.

4. Waxaan taageeraynaa in la dhiso Maxkamadda Dastuuriga ah sida uu qabo Dastuurka dalka isla markaana laga jawaabaayo baahida loo qabo Maxkamadaaasi.

5. Waxaan soo dhoweynaynaa in dib u eegis iyo dib u habeyn lagu sameeyo dhammaan hay’adaha Garsoorka ee dalka .

6. Waxaan soo dhoweynayaa dadaalada ay waddo Wasaaradda Garsoorka kuwaas oo lagu hormarinaayo hay’adaha Caddaalada ee dalka.

7. Waxaan soo dhoweynaynaa dhamaan dadkii ka qeyb qaatay soo saaridda qodobada oo uu ugu horeeyo xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

8. Waxaan xukuumadda Soomaaliya ugu baaqaynaa in ay ky dadaalaan hergelinta qodobadan.

9. Waxaan Barlamaanka Soomaaliya ka codsanayaa in ay ansixiyaan xeerka laga soo saarey shirkan.

Dhanka kale, Wasiirka Cadaalada iyo Arimaha Dastuurka xukuumadda Soomaaliya mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo shirka soo xiray , ayaa sheegay qodobada shirkani ka soo baxay ay nqon doonaan qodobo tiir dhexaad u noqon doona xeerka Garsoorka dalka ismarkaana ay sii wadayaan ay wada tashiyada lagu hormarinaayo cadaalada dalka.

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com