Heshiiskii DF & maamulka Puntland oo ruxun-siyaasadeed abuuray (Faallo)

Guux Siyaasadeed, Dareen Shacbi, Aayo-xumo Deegaameed iyo haxiraalayaal kale ayaa harreeyey Heshiiskii ay Dowladda Federalka iyo Maamulka Puntland dhawaan ku kala saxiixdeen magaallo-madaxda Gobalka Nugaal ee Garowe.

Ra’isul-wasaaraha Dowladda Dhexe ee Federalka, C/weli Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxay bishan October 14-dii qalinka ku wada duugeen Heshiis lagu soo af-jaray Khilaafkii u dhexeeyey Dowladda Federalka iyo Maamulka Puntland.
Heshiiskaasi ayaa waxa uu durbadiiba la kulmay mucaarado baahsan, iyadoo Siyaasiyiinta Qunyar-socodka iyo Maamulladda ka dhisan Bartamaha Somalia si qayaxan uga soo horjeesteen, kuna tilmaameen Heshiis baadil ah, oo ka horimaanayo Dastuurka KMG ee Qaranka.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Jeneral Cabdi Qeybdiid oo isagu shaqsi ahaan iyo Maamulkiisa u daacad yihiin Dowladda Federalka ayaa furka tuurtay, wuxuuna Heshiiskii Garowe ku tilmaamay mid khatar ku noqon kara Arrimaha Dib-u-heshiisiinta iyo Deegaamadda ay Beelaha Soomaalida u wada deggaan.

Wuxuuna sheegay inuu Maamulkiisa albaabadda ka xirtay Wada-shaqeyntii kala dhexeeyey Dowladda Dhexe, isagoo xusay in Dowladda lagu il-duufsaday heshiis aan dan ugu jirin Qaranka.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Olol Siyaasadeed kicin karo Heshiiskaasi, isla markaana uu khatar weyn ku noqon karo Qorshaha Dowladda ee lagu dhisayo Maamul-gobaleedka Bartamaha Somalia.

Wuxuuna Heshiiskan ku soo beegmay Toddobaadyo uu mugdi-siyaasadeed iyo mid deegaameed ku kala dhex jiray Maamulladda Galmudug iyo Puntland.

Isbaaraddii Puntland ee ay ku hakisay Diyaaradihii ku soo degi jirey Garoonka Diyaaradaha ee ay Galmudug ka maamulaan magaalladda kala qeybsan ee Gaalkacayo.

Gocashadda iyo Garnaqsiga Reer Galmudug haatan kaga biyo diidsan tahay Heshiiskaasi ayaa waxay u arkaan inay Dowladda Federalka u xaglinayso Maamulka Puntland, iyagoo rumeysan in ay Dowladda Dhexe u debecday Gorgortanka Puntland ee ay had iyo jeer soo laba kacleeyn jirey.

Haddaynu eegno Qoddobka ugu muhiimsan ee ay Maamulladda Galmudug iyo Ahlu-sunnadda Goballadda Dhexe ku saluugsan yihiin Heshiiskaasi ayaa waxaa ka mid ahaa Qoddobka 1-aad, Farqadiisa 1.3 ee Heshiiska Dowladda Federalka iyo Puntland, kaasi oo qeexayo Dhismaha Dowladaha xubnaha ka noqonayo Dowladda Federalka waa inuu ku salaysan yahay sida Dastuurka qabo, waxayna Federalka iyo Puntland isla qaateen in Maamulka KMG ee Goballadda Dhexe ee ay hoggaaminayso DFS uu ka kooban yahay Gobalka Galgaduud iyo Koonfurta Mudug, sidoo kale Waqooyiga Mudug waxa uu ka tirsan yahay Maamulka Puntland.

Waa Qoddobkaasi halka ay sarta ka qurmayso oo ay Maamulladda Galmudug iyo Ahlu-sunna ka didayaan, waana arrin u baahan in si taxadir leh loo dhiraandhiriyo.

Waxaa Hubaal ah inuusan jirin Sohdimo Maamulladda Goballadda loo kala asteeyey, waayo ma jirin isku-day ay Dowladda Federalka kaga fekertay ka hor inta aan la dhidbin Maamul-gobaleedyadda in marka hore Guddi Farsamo la magacaabo, si loo helo Xeer-hoosaad ay Maamulladda iyo dadka deegaannadda ku nool kala jiheyn karo.

Mana aha sohdin oo keliya, waxaa kaloo soo raacda in xal guud loo helo qeybsiga Kheyraadka Dabiiciga ee berriga iyo badda ee Maamul-gobaleedyadda deriska ah.

Juqraafi ahaan Goballadda Dhexe, gaar ahaan Gobalka Mudug waxaa aqlabiyad ahaan deggan Taageerayaasha Galmudug iyo Puntland, oo haddaan si kale carrabka ugu dhufano Beelaha Habargidir iyo Majeerteen oo iyagu deegaan iyo wada dhalasho wadaag ku ahaa Gobalkaasi qarniyo ka hor.

Marka Deegaannadda haatan Qoddobka 1-aad, Farqadiisa 1.3 ee Heshiiska Garowe waxa uu u muuqdaa mid abuuri kara xasaasiyad iyo kalsooni-darro soo kala dhex gala Maamulladda iyo Taageerayaasha Galmudug iyo Puntland.

Xeeldheerayaasha waxay kaloo farta ku godeen in Wakiilladda Gaarka ee QM, Midowga Afrika, IGAD iyo kuwa kale ee ka qeybgalay Heshiiskii Dowladda Federalka iyo Maamulka Puntland horey goobjoog uga ahaayeen Heshiiskii Dowladda Federalka iyo Maamulladda Galmudug iyo Ahlu-sunna ku wada saxiixdeen Qorshaha Maamul-u-samaynta Dowlad-gobaleedka Bartamaha Somalia.

Marka dhinaca Diplomaasiyadda laga eego waxaa la oran karaa inay Ergadda Diplomaasiyadda lagu il-duufsaday Heshiiskii Garowe, maadaama ay horey u taageereen Dhismaha Dowlad-gobaleedka Bartamaha Somalia ee Goballadda Galgaduud iyo Mudug.

Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaanadda BFS ayaa laga filayaa inay ka doodaan Heshiiska Garowe, waxaana hubaal ah in ay Xildhibaanadda soo bandhigi doonaan Aragtidooda ku aadan Heshiiskaasi, mana kala cada inay u codeyn doonaan iyo inay Heshiiskaasi laali doonaan, maadaama uu ruxun siyaasadeed abuurayo.

Faalladan waxaa diyaaryey idacaadda Dalsan ee Muqdisho