Muxuu Xasan Sheikh ka yiri heshiiskii DF Somalia iyo maamulka Puntland?

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay Mowqifkiisa ku aadan Heshiiskii ay Dowlada Federaalka iyo Maamulka Puntland ku galeen Magaalada Garoowe.

Madaxweyne Xassan ayaa si diiran usoo dhaweeyay Heshiiskii lagu wada gaaray Magaalada Garoowe, waxa uuna Tilmaamay in saxiixyadii heshiiskii dhex maray dowlada Soomaaliya iyo maamulka Puntland uu yahay mid ka hirgalaaya Xafiiskiisa.

Waxa uu Madaxweynaha Tilmaamay in Heshiiska Garoowe uu ka turjumaayo dib usoo celinta xiriirka ka dhexeeya DF iyo Maamulka Puntland.

Madaxweyne Xassan oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Waxaan soo marnay sanado badan oo dhib badan,wada hadal dhex mara soomaalida ayaa ah wadada horey loogu socon karo,taasi oo xaqiijineysa Soomaaliya oo nabad ah islamarkaana degan”

Isaga oo intaa kasii ambaqaadayo hadalkiisa ayaa waxa uu yiri “Waxaan aqoonsanahay guusha ay Puntland gaartay 16-kii sano ee la soo dhaafay,iyadoo xoojisay,islamarkaana dhistay hay’ado awood leh,Puntland wax badan ayey ka geysan kartaa dhisidda Soomaaliya oo awood leh,dimoquraadi ah,islamarkaana mideysan”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa yiri“ Hiigsiga sanadka 2016 waxaa qeyb ka ah arrimo badan oo wax ka bedeli doono siyaasada Soomaaliya,todobaadyada soo socda waxan rajeynayaa in horumar laga sameyn doono qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin sameynta gudiga xuduudaha iyo federaalka iyo gudiga doorashooinka”.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan waxa uu ballan qaaday in Dowladiisu ay dib usoo celin doonto xiriirada kala dhexeeya Maamul Goboleedyada dalka, waxa uuna daboolka ka qaaday inaan la faragalin doonin qaabka uu heshiiska u dhacay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com