Odayasha HIIRAN oo digniin u diray DF

Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar ka tirsan odayaasha beelihii dhowaan ku dagaalamay gobolka Hiiraan ayaa ka digay in guddiga wasiirada ah ee Xukuu xil saartay xalinta dagaalka gobolkaasi umadda Soomaaliya ay tagaan magaalada Beledweyne.

Odayaasha ayaa sheegay in xubnahaasi qaarkood ay yihiin kuwii Ololinaayay qaska ka socda qeybo kamid ah gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, waxa ay sheegen Odayaasha in wasiirada dhawaan loo soo xil saaray xalinta dagaalka ay hadda mar kale faraha la galeen Arrimo qabiil, waxa ayna Tilmaameen in imaanshahooda uu Khasaaro u yahay beelaha dirirsan.

Waxa ay ka digeen in Xukuumada Somalia ay ku fududaato, iyagoona ku baaqay inay dib uga fiirsato Xubnaha ay usoo xushay xalinta Dagaalada Gobolka ka taagan.

Axmed Cabdi oo ka mid ah odayaashan oo shirka jaraa’id ku qabtay Beledweyne ayaa sharci darro ku tilmaamay hanaanka dowladdu ay ku dooneyso xal ka gaarista colaada Hiiraan.

Waxa uu yiri ”Anagu DF kama dalban inay noo soo dirto Xubno kasii shaqeeya Colaada ee waxan ka codsanay inay noo soo dirto xubno colaada xaliya”
Axmed Cabdi waxa uu digniin u diray golaha wasiirada xukuumadda in ay ka fiirsadaan sida ay u wajahayaan dagaal beeleedyada.

Dhanka kale, Dagaalada ka dhaca Deegaanada Kabxanley iyo Deefow ay noqonaaya kuwa aan joogsi laheyn oo mar waliba soo laalaabta kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com