Dhageyso: Mungaab oo ku dhaartay in uu joojin doono boobka DF Somalia ay ku hayso dhaqaalaha reer MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Magaaladda Muqdisho Gen. Muungaab, ayaa si kulul uga hadlay weerar ba-anna ku qaaday Xukumadda Somalia ra’iisul wasaare Cabdi Weli uu madaxda ka yahay, isaga oo ka carreysan xadgudubka lagu hayo dhaqaalaha Muqdisho.

Muungaab, waxa uu sheegay inuusan aqbali karin in federal iyo wasaarad maaliyadeed ay dhaqaalaha Xamar ka siiyaan kaliya 15%, oo ayadaba lagu canaado.

Inkastoo Muungaab sirta uu kashifay ay tahay xaqiiqo, haddana wuxuu dhab ka hadalkiisa u horseedi doonaa inuu xilkiisa waayo, sida ay wararka sheegayaan.

Muungaab wuxuu si cajiiba uga hadlay hagardaamada lagula kacay saamiga Maamulka gobolka Banaadir.

“Goobahii Waxbarashada Qaranka iyo Caafimaadka waxaa la siiyay Shirkadda gaar loo leeyahay, waxaana ardayda iyo bukaanada laga qaadaa Lacag, sidoo kalena Ex Kontorool Balcad iyo kan Afgooye waxay Wasaaradda Maaliyadda ku qaadaa Canshuur sharci daro ah” ayuu yiri Muungaab.

Muungaab waxa kale oo uu ka dhiidhiyey in dalka federaa yahay, haddana dowladda lagu biilo dhaqaalaha Xamar oo kaliya, oo aysan jirin meel kale oo daqli uu kasoo galo.

Waxa uu caddeeyey in gobolka Banaadir uusan diidaneyn in uu dhiibo xuquuqda federaalka, balse uusan aqbali karin inuu dhabarka u rito dowladda oo idil.

Waxa uu ku dhaartay inuu arrintaas wax ka qaban doono, xittaa haddii ay ka dhigan tahay inuu xilkiisa ku waayo.

Halkan hoose ka dhageyso Muungaab