Nairobi (Caasimada Online) – Bilayska Kenya ayaa soo helay 13 milyan oo shilin ($148,000) oo ah kaash laga xaday gaari hubaysan oo lacag tiradeeda guudi tahay 82 milyan oo shilin ($935,000) ka qaaday bangi ku yaal Westlands una siday Bangiga Dhexe ee Kenya, Capital FM-ta Keny aayaa tabisay Talaadadii (1-dii July).
Saddex askari oo ka tirsan Bilayska Birmadka (AP) iyo saddex waardiye oo ka tirsan KK Security ayaa lacagta ku waday gaari bas ah oo ay leedahay shirkadda KK Logistics galabnimadii Isniinta markii la waayay meel ay ku dambeeyeen.
Bilayska ayaa rumaysan in askarta ciidamada ammaanku ay qaateen lacagta kadib markii ay dareeyskii askarta iyo saddex qori ka heleen baskii laga helay lacagta oo looga tagay Mathare, Nairobi.
“Waxan raadinaynaa halkii ay ku dambeeyeen sababta oo ah dadkaan waa dad la yaqaan,” ayuu yiri Taliyaha Bilayska Nairobi Benson Kibui. “Muddo dheer nagama dhuuman karaan. Si kastaba ha ahaatee waxan waydiisanaynaa dadweynaha in qofkii haya xog ku saabsan raggaas uu noo soo sheego si aan tallaabo uga qaadno.”
Nicholas Kamwende, madaxa Waaxda Baarista Dambiyada Nairobi, ayaa sheegay in howsha ay u badan tahay in si wanaagsan loo soo qorsheeyay, laakiin uu bilaysku ku raad-joogo tuhmanayaasha.
“Waxan tuhunsannahay in ay lacagta uga tageen ku talagal laakiin waxan rajaynaynaa in aan helo. Koox ahaa gudaha joogta,” ayuu yiri sida laga soo xogtay The Standard. “Xaqiiqda ah in ay wakhti u heleen in ay darayska bedeshaan oo ay ka tagaan qoryahooda ayaa waxa ay ka dhigan tahay in ay si fiican howshan u qorsheeyeen.”
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi