Ciidamada Korneel Boonow oo qabsaday degaan muhiim ah oo ka tirsan Sh/Dhexe

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay la wareegeen degaanka Xawaadley ee hoos taga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada Milateriga ee Xoogga Dalka Al-Shabaab kala wareegay Tuulada Xawaadley ee hoos tagta degmada Balcad oo ah xarun ay Al-Shabaab ka maamuli jireen canshuuraha ay ka qaadaan gaadiidka iyo Beerayleyda Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidankan ayaa waxaa hoggaaminaya Korneel Abuukar Boonow, waxaana la sheegay inay ka yimaadeen dhanka Cadale.

Al-Shabaab ayaa isaga baxay degaanka Xawaadley markii ay ka war heleen inay cidiamada dowlada kusoo jeedaan, waxaana dagaal la’aan kula wareegay ciidamada milaterige ee Shabeellaha Dhexe ka howlgala.

Al-Shabaab ayaa ku dhex milmay dadka degaanka, waxaana ciidamada dowladda oo dhowr jeer gaaray degaankan ay dib uga soo laabteen, iyadoo dib ugu soo noqdeen Al-Shabaab. 

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa qabsashada Xawaadley ku qeexay mid muhiim u ah in laga hortago maleeshiyada Al-Shabaab ee ka imanaya Jubbooyinka kuwaas oo ku biiraya dagaalka Hiiraan. 

“Taliye Boonow iyo askar uu wato ayaa la wareegay deegaanka Xawaadley ee degmada Balcad. Buundada Xawaadley ayaa ahayd meel muhiim ah oo ay isaga kala gooshi jireen Shabaabka Jubbaland ilaa Hiiraan. Waa horumar wanaagsan oo weyn. Haysashada aaggan waa muhiim,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.