25.2 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

Ciidamada liyuu Boolis ee Itoobiya oo dad iyo gaadiid ka afduubtay gobolka Hiiraan

Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimadda Online) – Wararka ka imanaya Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlad degaanka ee Soomaalida ay afduub ka geysteen Gobolka Hiiraan ee Soomaaliya.

Ciidamadan oo aan la garaneyn sababta ay xadka uga soo tallaabeen ayaa waxaa ay qafaasheen 10 qof oo beeraley ah iyo shan ka mid ah Cagaf ama Makiinadaha Beeraha lagu fasho.

Afduubkan ayaa shalay gelinkii dambe ka dhacay degaanka Xuday Wagle oo 35KM kaliya u jira Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ciidamada liyuu Boolis ee soo galay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay wateen Gaadiidka dagaalka,hayeeshee waxaa la sheegay inaysan jirin dagaal ka dhacay deegaankaas oo ka tirsan Maamulka hir-Shabeelle.

Weli ma cada halka sida rasmiga ah ay dadkaasi iyo gaadiidka ula aadeen iyo sababta ka dambeysa,waxaana ay cabsi ballaaran ay soo wajahday dadka ku nool deegaanka Xudey-Woogle iyo deegaanada kale ee Waqooyiga ka xiga Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolkaasi hiiraan weli kama hadlin afduubka ciidamada liyuu boolis ay ka geysteen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News