Ciidamada DF oo weli wada dilalka shacabka (Maxaa saaka dhacay?)

Sida dadka deegaanka ay sheegayaan aroornimadii hore ee saaka ciidamada nabad sugida ayaa qof shacab ah ku toogtay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo magaciisa ku sheegay C/risaaq Nuur ayaa sheegay in ciidamada Nabad sugida dharkooda dad watay ay toogteen qofka rayidka ah.

Wuxuu sheegay in afar ka mid ah ciidamada nabad sugid ay dilka geysteen kuwaasi oo maqaayad kala soo baxay wiilka ay togteen sida uu sheegay,kadibna ay goobta isaga tageen.

Xaafada Gubta ee degmada Deyniile ee gobolka Banaadir oo dhawaan ciidamo nabad sugid ah la geeyay ayaa la sheegayaa in saaka falka dilka ah uu ka dhacay oo qof rayid ah loo geystay.

Degmada Deyniile waa degmada kaliya ee ugu dilalka badan marka loo eego dhibaatada loo geysto dadka rayid sida ay sheegayaan dadka  deegaanka ee ku nool degmadaasi.