Ciidamada Puntland ee ay DF la wareegtay oo keeni kara saddex waxyaabood

Wararka laga helayo Garowe ayaa sheegaya in dowladda Dhexe ee ay ugu dambeyn qarameysay ciidamada Booliska iyo Daraawiishta maamulka Puntland.

Tallaabadan ee ay dowladda qaaday ayaa ah mid aad loo soo dhaweeyey maadama ay bud dhig u noqon doonto dowlad dhisidda Soomaaliya oo si buuxda loo hanto.

Ciidamada kala madaxa bannaan ee aan hoos tagin dowladda dhexe waxa ay caqabad ku ahaayeen dowladniada dalka iyada oo horseed ka ahayd awood yarida dowladda dhexe.

Dowladda Soomaaliya ee gacanta ku dhigtay ciidamada kala duwan ee Puntland waxa ay horseed u noqon doontaa saddexdan qodob ee hoos ku xusan.

1 – Maamulada oo toos u hoos yimaada dowladda dhexe sida dastuurku qabo

Mar haddii ay dowladda la wareegtay labadii ciidan ee ugu awoodda badnaa ee Puntland waxaa xigi doona in ay wada shaqeyn buuxda dhex-marto maamulka iyo dowladda dhexe.

Markii hore, Puntland oo ugu fac weyn maamulada dalka ka jira waxa ay tusaale u ahayd kuwa kale, haddii ay hadda ugu dambeyn ku wareejiyeen ciidamadoodii dowladda dhexe waxaa xigi doona oo aan dhib laga mari doonin kuwa kale.

Waxa ugu weyn ee Puntland qasbay, sida aan rumeysanahay, ayaa ah dhaqaale la’aan maadaama Gaas bixin waayey mushaarkii ciidankiisa marar badanna ay ka gadoodeen. Waana taas waxa sidoo kale qasbi doonna maamullada kale.

2 – Waxaa hagaagi doona amniga dalka guud ahaan

Kala qeybsanaantii awoodda ciidan ee dalka waxa ay keeni jirtay in amniga dalka la’isku halleeyo oo uusan xiriir dhexmarin laamaha amniga ee guud ahaan dalka.

Booliska dalka oo hal gacan hoos taga waxa ay keeni doontaa in iska warqabka iyo xogta si sahlan la’isugu gudubno oo ay ciidamo ku sugaan amniga hal qaab (Uniform).

3 – Canshuuraha dalka oo la mideeyo

Dowladda waxa ay culeys weyn ku haysay magaalada Muqdisho oo ay si xad ka bax ah ugu tiirsaneyd dhaqaalaha ka soo baxo.

Dhaqaalaha Muqdisho ma ahayn mid ku filan dhaqdhaaqa dowladda, hase ahaatee, haddii laga heshiiyey oo ay dowladda maamulada kala wareegto ciidamada, waxaa fududaan doonta in sidoo kale la mideeyo dhaqaalaha dalka sida canshuuraha.

Taas, waxa ay sahli doontaa in dowladda maamul gobolleed walba canshuurta ka soo xeroota lagu dabaro ciidamadiisa gaarka ah ee sugaya amniga.

W/Q: Maxamed Xuseen Mataan
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid