Wel-welka mucaaradka iyo laba qodob oo suurtagal ah in ay ku heshiiyeen Xasan, CC SHAKUUR iyo Cosoble

Waxaa shalay isku arkay hoyga uu Muqdisho ka dagan yahay magaalada Muqdisho Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Shikeh Maxamuud oo hadda ah hogaamiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Dimuqraadiyadda, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Cabdiqaadir Cosole oo kala hoggaamiyaha Xisbiyada Wadajir iyo Ileys.

Falcelinno kala duwan ayaa laga bixiyey is aragga saddexda siyaasi xilli aysan soo bandhigin waxa uu kulankooda daarnaa marka laga yimaado in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu bartiisa Facebook xoogaa biriirif ah uga sheegay, sida in ay u midoobi doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, nidaamka xisbiyada iyo joogteynta kulamadooda.

Wey adag tahay in la suureysto qodobada dhabta ah ee ay ka wada hadleen iyo waxyaabaha la’isla meel dhigay. Hase ahaatee, waxaa la fili karaa in ajendeyaashooda ay ku jireen labada qodob ee hoos ku xusan.

1 – In maamulka hadda jira cadaadiska lagu xoojiyo si aysan ugu suurtagalin ku guuleysiga faragalinta maamullada dalka

2 – In la mideeyo siyaasadda mucaaradka oo aan hal Xisbi ama siyaasi lagu dagaal galo doorashada 2021.

Qodobka Kowaad: Ma aha wax daahsoon ama shaku ku jiro in uu dagaal siyaasadeed oo aad u culus ay ku jiraan xillagan maamulka talada haya iyo kooxaha mucaaradka iyada oo uu garoonku yahay maamul gobolleedyada.

Waxaa lagu dagaalamay HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed, dagaal dheer kaddib waxaa ku adkaaday Nabad iyo Nolol, balse waxaa hadda socda midka Puntland oo kaddib u sii gudbi doona Galmudug iyo Jubbaland.

Ujeedka dagaalka siyaasadeed waa doorashada soo socota iyo in qolo walba ay iyadu samaeyso maamulada si ay ugu fududaato soo xulista baarlamaanka 11-aad.

Haddii Xisbiyada Mucaaradka looga adkaado dhinacaas wey ku adkaan doontaa sidii ay kula loolami lahaayeen mamaulka hadda jira oo doonaya in ay soo laabtaan.

Siyaasiyiinta shalay kulmay waxaa dhici karta in ay khatar isla soo qaadeen oo laga yaabo in ay si mideysaan ula loolamaan dowladda.

Qodobka Labaad: Ma aha wax la dhayal an karo in ay kulmaan saddex siyaasi oo saameyn ku leh dalka oo waliba kala hoggaamiya Xisbiyo.

Yeelkeede, waxaan shaki ku jirin in ay isla soo qaadi karaan sidii loo mideyn lahaa mucaaradidda dowladda oo ay hadaba siyaabo kale duwan u sameeyaan.

Bulshada inta badan waxa ay arkaan ama la socdaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si toos ah u weerara dhaqdhaqaaqa dowladda haddii ay ahaan lahayd farriimo baraha bulshada ah ama saxaafadda kale.

Taas kama dhigna in uu kali ku yahay. Waxaa jira xubno wadajira oo isaga ka saameyn badan sida Xildhibaanada ku jira Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka oo badankood ah haraadigii Dhaamujadiid iyo Daljir, Cumar Cabdirashiid oo gooni ah ahna mudane Aqalka Sare ka tirsan.

Hayeeshee, si dowladda culeyska loogu badiyo, waxaa suurtagal ah in si mideysan loo dhaliilo dowladda oo aan bulshada qaarna iska qarin kuwa kalena soo taagnaan.

Doorashadii uu kasoo baxay Farmaajo, waxay madaxweyne Xasan Sheekh cashar ku saabsan awoodda midnimada, kadib markii dhammaan xubnihii isaga la tartamay ay codkooda ugu wada shubeen Farmaajo, sidaasna uu kursiga ku lumiyey. Waxaa hadda cad in Xasan uu doonayo cayaartaas oo kale.

Si kastaba, kulanka saddexda siyaasi waxaa xaqiiqo ah in waxyaabihii lagu gorfeeyey aysan ahaayeen is maraxabeyn, booqasho iyo shah la soo wada cabbay.

W/Q: Axmed Cabdullaahi Cusubow
Balcad, Sh/Dhexe, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid