Ciidamada PUNTLAND ee Tukaraq oo fariin usoo diray musharraxiinta Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Puntland ee ku sugan deegaanka Tukaraq ayaa markii ugu horeysay fariin u diray musharixiinta dooneysa inay qabtaan xilka madaxweynaha Puntland.

Puntland waxaa ka dhaceyso doorasho bisha Janaayo ee sanadka 2019, waxaana hadda socdo dadaalo iyo kulamo ay wadaan musharixiinta kala duwan ee la tartameysa C/Welli Maxamed Cali Gaas.

Saraakiisha ciidamada Puntland ee ku sugan aaga dagaalka ee Tukaraq ayaa sheegay inay fariin u dirayaan dhamaan musharixiinta, taasi oo ah inay ka doonayaan inay bixiyaan musharaadka ciidamadooda si ay qoysaskooda ugu taageeraan.

Shacabka ku nool magaalada Garowe ayaa dhankooda ugu baaqay musharixiinta inay bixiyaan mushaaraadka ciidamada, si ciidamada aysan kaga soo bixin aagaga dagaalka.

Saraakiisha ciidamada Tukaraq ku sugan ayaa sheegay inay ka sugayaan musharixiinta inay booqdaan ciidamada furumaha dagaalka ku sugan si ay dhiiri gelin ugu noqoto, islamarkaana ay ka taageeraan raashiinka iyo saadka.

Ciidamada Puntland ee ku sugan gobolka Sool ayaa la dagaalamaya ciidamada Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com