Madaxweyne Xaaf oo arrin muhiim u ah ka sameynaya magaalada GAALKACYO

Muqdisho (Caasimada Online)- Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle xaaf ayaa sheegay in magaalada Gaalkacyo uu ka bilaabayo hal arin oo muhiim u ah maamulkiisa, sida uu sheegay markii uu tagay magaalada Gaalkacyo kadib.

Mr Xaaf, ayaa sheegay in socdaalkiisa magaalada Gaalkacyo uu ka leeyahay ujeedooyin badan, waxaana uu sheegay inuu magaalada ka bilaabayo isku dhafka ciidamada maamulka Galmudug ee kusugan Gobolka Mudug.

Wuxuu sheegay in ciidamadaasi ay qeyb weyn ka qaadanayaan amaanka deegaanada maamulka Galmudug islamarkaana ay muhiim u yihiin maamulkiisa sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay inuu la kulmi doono saraakiisha ciidamada Galmudug ee ku sugan magaalada Gaalkacyo, isagoo sidoo kale sheegay inuu kulamo la qaadan doono qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo, ayaa la filayaa iney kula kulmaan wakiilka xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyaga oo kala hadlaya dhexdhexaadinta maamulada dalka iyo dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale magaalada Gaalkacyo waxaa qorshaha ay doonayaan odayaasha dhaqanka uu yahay in shir dib u heshiisiin ay ugu qabtaan madaxda maamulka Galmudug ee xarumaha ka kala dhigtay Cadaado iyo Dhuusomareeb.

Madaxweyne Xaaf, ayaa sheegay inuu rajeynayo inuu guulo muhiim u ah Galmudug uu kala laabto magaalada Gaalkacyo oo uu ku wehliyo madaxda xukuumada Galmudug Sheikh SHaakir Maxamed Cali Xasan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com