Xildhibaan sheegay in DF ay bilowday inay dibada u dhoofiso bisado + Video

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan hore, Cabdi Barre Jibriil oo ah siyaasi ku sugan magaalada Muqdisho ayaa war-baahinta maxalliga ah u sheegay in Dowladda Federalka ay billowday iney dowlado shisheeye ka iibiso Bisadaha oo kamid ah xayawaanka ku nool Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dowladdu horey u fasaxday Ugaadhii, sida deyrada, diidiinka iyo kuwa kale, haddana ay xaaladdu mareyso Bisadihii iyadoo aan la ogeyn haddii ay dowladdu dhaqaale ku qaadato iyo iney bilaash ku bixiso.

Bisadaha ayaa qaali ka ah wadamada Reer Galbeedka iyadoo mararka qaar qofkii dila laga qaado lacag diyo u dhiganta sababtu waa iyagoo kasii dabar go’aya wadamadaasi.

“Idinka Ugaar baad ka hadleysaane Biisadihi baa la dhoofinayaa Biisadihii, Xamar miyaad ku aragteen? baadi gooba Biisadihii baa la rarahayaa, cid ka xisaabtameysa ma leh, Baarlamaan ka gubanaya oo ka xisaabtamaya ma leh, ciiddii baa la rarahayaa waxaa Balli doogle iyo Buurhakaba laga rarahayaa ciiddii iyadoo Konteenaro ku jirta ayaa la dhoofinahayaa cid ka hadleysa ma leh” Sidaasi waxaa yiri Xildhibaan hore Cabdi Barre.

Dadka qaar ayaa haatan ka cabanaya Dooliga oo ku batay Muqdisho maadaama Bisadihii la dagaalami jiray la dhoofinayo, waxaana ay Dowlada Federalka kula talinayaa mar haddii aan Bisadaha laga aaleyn in lagu daro oo isna la dhoofiyo Dooliga ama Jiirka.

Ugu dambeyntii Cabdi Barre ayaa wuxuu sheegay in dalka Soomaaliya uu ku jiro marxalad adag una baahan yahay in la badbaadiyo inta goori goor tahay.

Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka 


Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com