“Arrintan waa eedeyn culus waa in madaxda ay wasiir Beyle ka qaataan go’aan”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi, oo ka mid ah mucaaradka xukuumadda ayaa ku baaqay in madaxda sare ee dowladda federaalka ay go’aan deg deg ah ka qaataan wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, oo eedeymo culus loo soo jeediyey.

Fiqi ayaa facebook soo dhigay qoraal uu arrintaas uga hadlayo. Hoos ka aqriso.

Maanta waxaa iska soo daba-dhacay qoraallo dhowr ah oo saddex xafiis ka soo baxey, midka ugu muhiimsan wuxuu ahaa warqadda ka soo baxdey xafiiska Xisaabiyaha Guud ee dawladda, labada kalana waxaan u qaadanay markii la qiimeeyey kuwo raacdo-reeb ah oo lagu daboolayo nuxurka hadalka culus ee uu xambaarsan yahay qoraalka xisaabiyaha guud.

Xisaabiyaha Guud ee dawladdu waxey qoraalkeeda cinwaan uga dhigtay: BEEN ABUUR IYO MARIN HABAABIN, waxey eedayn kulul oo dhanka shaqada ah u soo jeedisay wasiirka Maaliyadda Beyle sida;
1. been abuur uu rabo inuu ku daboolo waxa ay ku sheegtay qas iyo xadgudubyo maamulka maaliyadda la xiriira oo ka socda xafiiskiisa,

  1. Qoridda warqad u muuqata handaad iyo isku day uu ku doonayo in la rabaayadeeyo xafiiska Xisaabiyaha Guud si uusan u gudan hawlihiisa.
  2. In shaqadii wasaaradda Maaliyadda uu gacanta u galiyey dad anshaxooda Maamul maaliyadeed uu xun yahay, kaasoo abuuray musuqmaasuq baahsan oo soo jiitey indhaha hanti dhowraha qaranka,
  3. Ugu danbayn waxey xisaabiyaha guud ay xasuusisay wasiirka in shaqo ahaan xafiiskeeda iyo wasaaraddu ay kala madax banaan yihiin, shaqaalahooduna aysan ka mid ahayn kuwa wadaaradda Maaliyadda.

Sida qoraalkan ka muuqda, waxaa ku qoran eedaymo xooggan oo ay ahayd in madaxda sare ay go’aan degdeg ka qaataan ama mawqifkooda ku aadan arrimahaas ay caddeeyaan, balse taas bedelkeeda waxaan arkaynaa qoraallo qandho jabin ah oo ka soo baxey NISA oo qandaraas iska kacsi ah la xiriira, iyo mid xeer ilaaliyaha guud ka soo baxey oo xiganaya warqad 2015-kii ku taariikhaysnayd oo hadda loo soo nooleeyey ayadoo la daba joogo sida la qiyaasayo hadal uu sheegay maalin dhoweyd wasiirka amniga Jubaland.

Arrinta Xisaabiyaha Guud iyo wasaaradda maaliyaddu waxey u baahan in jawaab cad in xukuumaddu ay ka bixiso, ayadoo aan la isku dayayn in la daboolo musuqmaasuqa laga sheegayo wasaaradda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com